Ninkii dilay weriyayaasha Mareykanka oo dhintay

 

Us(SLPost)Taliyaha booliska ee deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi lagu tuhunsanaa weerarkaasi oo lagu magacaabi jiray Lester Flanagan uu gaarigiisa orod ku maray jid gooye ay dhigteen booliska.

Gaarigiisa ayaa ka baxay wadada kaddib markii uu istoogtay waxaana loo qaaday isbatalka halkaasi oo uu ku dhintay. Mr.Flanagan ayaa la qabtay saacado un kaddib markii sida la sheegay uu dilay weriyayaasha TV xilli ay toos war tabinayeen.

150826183501_vester_lee_flanagan_624x351_reuters_nocredit

Fariin la sheegay in uu soo diray ninkaasi hubaysnaa ayaa muujinaysa in uu ka caraysnaa wax lagu sheegay cunsuriyad oo isaga lagula dhaqmay. Fariintaasi qoraalka ah oo uu u diray (ABC news) ayaa waxa uu ku sheegay in loo bartilmaameedsaday inuu ka tirsanaa ragga ragga kale u galmooda isla markaana madow ah sidaana shaqada looga eryay.

Maareeyaha taleefishinkaasi ayaa ku tilmaamay ninkaasi mid aan faraxsanayn oo ay adkeyd in lala shaqeeyo.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerrarka mid tusaale u ah waxyeelada adeegsiga hubka taasoo gudaha Mareykanka ka noqotay wax caadi ah, waxa uuna ugu baaqay Congress-ka in uu meelmariyo sharciyo adag oo lagu xakameynayo isticmaalka hubka.