Ninka Sirta Maraykanka ee uu Fidiyey Loo Baacsanayo, Edward Snowden, oo Ruushka Ka Degey Iyo Xidhiidhkii Liic-liicayay ee Labada Wadan Oo Meel Xun Maraya

edward snowdenHargeysa (SLpost)– Golaha wakiilada ee wadanka Maraykanka ayaa ku eedeeyey dowlada Ruushka inay ka caawinayso sir bixiyaha dowladiisu baacsanayso ee Edward Snowden inuu ku sii jiro firxadka uu yahay  kadib markii uu ka dagey Moscow isagoo ka baxay magaalada Hong Kong, laakiin dowlada Ruushka ayaa sheegtay inaanay safarka ninkaasi waxba kala socon.

Ismaamulka Hong Kong ayaa ku amray Snowden inuu ciidooda dhinac u dhaafo, waxaanu u qalab urursaday dhinaca Ruushka oo uu Maalintii shallay ahayd gaadhay caasimada wadankaasi ee Moscow.

Edward Snowden ayaa la filayaa inuu Ruushka ku sii hakanayay kaliya balse uu u dhaafi doono dhinaca caasimada Cuba ee La Havana oo uu halkaasna uga sii gudbi doono wadanka Venezuela.

Ninkan xukuumada Maraykanku ku raad-joogto, ayay dowladiisu ku eedaynaysaa inuu fidiyey xogaha ugu mihiimsan sirta wadanka USA ee baraha inter-netka lagu faafiyey.

Xubno muhiim ah oo ka tirsan aqalka wakiilada Maraykanka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Ruushku inuu si ula kac ah indhaha farta uga galinayo Maraykanka, waxaanay sheegeen in arintan dowladiisu samaysay ay cawaaqib xun u horseedi doonto xidhiidhka labada wadan ee Russia iyo USA.

Senetor-ka xisbiga Dimuqraadiga Maraykanka ee Senator Charles Schumer ayaa ku adkaysanaya in madaxweynaha Ruush-ku Vladimir Putin uu ogaa safarka Edward kaga imanayay Hong kong isla markaana uu si ula kac ah wadankiisa ugu ogolaaday, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Putin wuxuu inta badan u muuqdaa nin u kulul mar walba sidii uu indha uga tuuri lahaa Maraykanka.”

Waxa kale oo uu Senetorku eedeeyey xukuumada China oo uu sheegay inay arintan lug weyn ku lahayd.” “Waxa la arkaa ila inta ay xukuumada Beijing ku lugu lahayd inuu joogo Hong Kong.” Ayuu yidhi Schumer. “Sidaad la socotaan, waxay ku dabaqayeen siyaasadooda arimaha dibada, waxaanan dareemayaa gacanta ay ku lahayd Beijing arintani.”

Gudoomiyaha gudiga Sirdoonka ee golaha sharci dejinta Maraykanka Chairman Mike Rogers ayaa isna dhiniciisa sheegay in doorashada uu Snowden doortay inuu u duulo Cuba iyo Venezuela ay muujinayso damaciisa ah inuu noqdo nin dagaal kula jira xoriyatul qawlka.

Si kastaba xaal ha ahaadee, Edward Snowden oo hore u ahaa shaqaale ka tirsan wakaalada NASA ee Maraykanka ayaa dhawaan lagu eedeeyey inuu yahay shaqsigii fidiyey sirtii Wasaarada difaaca Maraykanka ee Wikileaks Baahisay, arintaana waxa sii xaqiijinaya kooxaha sharci yaqaanada ah ee u doodaya shabakada Wikileaks ayaa la daba taagan kharashka uu ku baxsanayo Snowden.

SOMALILANDPOST.NET