Nin Xalay Lagu Toogtay Magaalada Hargeysa Iyo Taliyaha Booliska Oo Sheegay Inay Dad U Xidheen Dilkaas

Hargeysa(SLpost)-Nin ayaa xalay lagu dilay magaalada Hargeysa, waxaana lagu toogtay rasaas. Ninkan ayaa lagu toogtay meel dhinaca galbeed ka xigta garoonka kubadda cagta ee Hargeisa Stadium, waxaana la sheegay in lagu dhuftay rasaas uu markiiba u geeriyooday, lamana xaqiijin xalay magaciisa marka laga reebo haybtiisa guud.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay dilka ninkaas, waxaanu sheegay inay falkaas u xidheen 2 ruux, iyagoo ciidamad amaanku wada baadhis dheeraad ah, ciidamada ammaanka ayaana qaaday maydka marxuumka.

Taliyaha Boolisku wuxuu intaas raaciyay inay dilka ninkan si faahfaahsan uga hadli doonaan marka la dhammaystiro baadhista uu Boolisku xalay bilaabay oo uu xusay inaanay ka hordhacayn.

Xigasho Geeska Afrika