Nin Soomaali Ah oo Loo Qabtay Qarax Ka Dhacay Magaalo Ku Taal Wadanka Hindiya

Hargaysa (SLPOST)= ciidaada amaanka wadanka Hindiya ayaa sheegay in ay u qabteen qarax ka dhacay magalada Hyderabad

2 ruux oo mid kamid ah uu Soomaali yahay.

Masuul booliska Hindiya u hadlay aya sheegay inay rumaysan yihiin in labada qof ee mid Soomaaliga yahay ay ku lug lahaayeen qaraxyadii dhawaan ka dhacay magalada Hyderabad, waxaana laga qabtay xadka u dhaxeeya wadamada Hindiya iyo Nepal

Booliska Hindiya waxay sheegeen in muwaadinka Soomaaliga ah uu si sharci dara ah ku galay wadankasi.

Muwadinka Soomaaliyeed ee la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cumar Makraani,

Saraakiishu waxay sheegeen in C/llaahi ay hadda su’aalo ku saabsan waxa uu ka ogyahay qaraxyaadi Hyderabad la weydiinayo.

Waaxda socdaalka Hindia ayaa sheegtay in muwadinka Soomaaliga ah uusan wadan waraqaha dalka ku joogista waxaana ay xaqiijisay in uu watay waraaqo been abuur ah

Soomaali badan ayaa ku nool wadanka Hindiya kuwaasoo badankood wax ka bartas jaamacahada dalkaasi ku yaala gaar ahaan magaalada ay qaraxyadu ka dhaceen ee Hyderabad.

Somalilandpost

Hargaysa