Nin Si Khalad Ah 13 Sannadood Ugu Xidhnaa Xabsiga Guantanamo

US(SLpost)-Dawlada Maraykanka ayaa khamiistii sii daysay nin si khalad ah ugu xidhnaa Xabsiga ku yaal Jasiirada CUBA ee Guwantanamo, kadib markii la ogaaday in maxbuuskaasi xogta lagu soo xidhay ay ahayd mid khaldan.

Ninkan oo u dhashay dalka Yemen ayaa lagu magacaabaa Mustafa al-Shamiri ahna 37 sano jir ayaa la sheegay in loo maleeyey nin kale oo lagu tuhunsanaa inuu kamid yahay kooxda Al Qacida, wuxuuna sidaa si khaldan ugu xidhnaa Xabsiga Guwantanamo muddo 13 sano ah.

Sirdoonka Maraykanka ayaa ugu danbeyntii bishii September ee sanadkii hore (2015) xaqiijiyey in xog khaldan lagu soo xidhay ninkaasi oo wakhti dheer noloshiisa kamid ah lagu hayey xabsiga dadka lagu jidhdilo ee Guwantanamo.

Sanadkan cusub ee 2016 ayaa 16 kamid ah maxaabiistii lagu hayey xabsiga Guwantanamo la sii daayey, raggaasi oo loo musaafuriyey dhowr wadan oo ogolaaday inay qaabilaan, walow hal maxbuus oo kasoo jeeda dalka Yemen uu diiday in la geeyo wadan kale oo aanu rabin, sida lagu sheegay warbixin khamiistii kasoo baxday Wasaarada Gaanshaadhiga Maraykanka (Pentagon).

Waxaa weli xabsiga Guwantanamo xiligan ku xidhan 91 maxbuus, xabsigaasi ayuu marar badan sheegay Madaxweyne Barack Obama inuu xidhi doono balse waxaa si weyn u hortaagan Kongreeska Maraykanka. Wuxuuna dhawaan sheegay inuu doonayo inuu xabsigaasi xidho inta uga dhiman xilkiisa oo ku eg sanadkan

Xabsiga Guwantanamo Bay ayaa intii u dhaxeysay 2001 illaa 2009 lagu xidhayey rag muslimiin ah oo ay dowlada Maraykanka ku eedaysay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al Qacida ee ka danbeysay weeraradii 11 September 2001.

Dawladii xiligaasi ee Madaxweyne George W Bush ayaa xabsigan ka sameeyey saldhiga Militariga Maraykanka uu ku leeyahay Jasiirada CUBA, halkaasi oo jidhdil xoogleh loogu geystay dadka halkaasi lagu xidho oo intooda badan aan wax cadeyn ah lagu heyn, xukuumada Maraykanka ayaa diidaneyd dadkaasi in lagu xidho gudaha wadankeeda taasi oo ay isaga xijaabeysay in lagu qabsado dhowrista iyo shuruucda caalamiga ah ee u yaal illaalinta xaquuqda maxaabiista.

Inta badan maxaabiista laga siidaayey xabsiga ayaan eheladooda weli arag maadaama ay qaar badan oo kamid ah dalalkii ay kasoo jeedeen ay diideen inay qaabilaan ama dib loogu soo celiyo, taasi oo ku khasabtay dowlada Maraykanka inay wadamo kale ka codsato qaabilaada maxaabiista laga siidaayo Guwantanamo.

Xigasho Geeska Afrika