“Nin Kibray Oo Dawladda Ka Hor-yimi Maan Ahayn, Laakiin Wax Ha La Hagaajiyo Ayaan Lahaa” Cali Xoo-Xoor

Berbera  (SL.Post) Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor), ayaa munaasibadii uu maanta xilka ku wareejinayay oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa sharaxay sababtii keentay in xilka laga qaado iyo waxbaahaa uu saluugay.

 

 

 

“Nin kibray oo oo shaqadii ka kibray ma yihi, saas wuxuun ha loo hagaajiyo ayaan lahaa. Anigana sadaasay ila muuqanaysay, Nin mucaaridaday hilaac kale u muuqaday oo meel kale u hanqal-taagaya maan ahayn.” ayuu yidhi Eng.  Cali XooXoor

 

 

 

Eng. Cali XooXoor waxa uu intaas ku daray  “Waxaanu ka wadahadlaynay arrin daneed oo rasmi ah oo waaqici ah oo ina soo food saaray  oo aynu khayrkiisa rajaynayno INSHA ALLAH. ”

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

Somalilandpost.Berbera