Nin Dhalinyaro oo Caawa lagu toogtay Xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa iyo Booliska oo Gacanta ku Dhigay Ninkii Falka Geystay

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay nin caawa fiidkii wiil dhalinyaro ah ku toogtay xaafadda Xero-awr ee degmada Ibraahim Kood-buur ee Caasimadda.

Wiilka dhaawacu soo gaadhay ayaa markii rasaastu ku dhacday loola cararay dhanka Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si loola tacaalo dhaawaca ka soo gaadhay rasaastaasi, haseyeeshee waxa uu saacado ka dib u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay rasaasta oo madaxa kaga dhacday.

Goob-joogeyaal ku sugnaa goobta shilku ka dhacay, ayaa sheegay in in wakhtiga rasaastu ku dhacday marxuumka uu ku sugnaa Huteel uu ka cashaynayey, isla markaana ay Ciidamada booliska ku guulaysteen inay qabtaan ninkii falkan geystay, kaasi oo isku dayey inuu halkaasi ka baxsado balse dedaal ay dadka shacabka ahi sameeyeen ay suurto-galisey in boolisku gacanta ku dhigaan.

Gacan ku-dhiiglaha falka geystay oo laftiisu  nin dhalinyaro ah oo ay saaxiib ahaayeen marxuumka, ayaa la sheegay in rasaastu si aan kula talo-gal ahayn ugaga siibatay saaxiibkii.

Ninka dhalinayrada ah ee Xabbaddu kaga dhacday saaxiibkii, ayaa la sheegay inuu dhalay afhayeenka Guddida Diiwaangelinta ururrada Siyaasadda Md Xasan Macalin.

Somalilandpost/Hargeysa

contact@somalilandpost.net