Nin dhalinyaro ah, Al Shabaab-na ahaan jiray oo ka waramaya siduu ugu biiray, sababtuu uga soo laabtay, iyo talooyinkiisa dhalinyarada Somaliland

Hargeysa,(SLpost)- “Cabsi hanjabaadiinu igu beeraysaa ma jirto, maalinta ilaahay qoray inaan aduunkan ka tagana kama danbaynayo, laakiin werwer igama kiin hayo,”sidaa waxa yidhi nin dhalinyaro reer Hargeysa ah magaciisana amaankiisa awgeed aanu u qarinay,oo ilaahay xaqii tusay kana soo laabtay fikirkii khaldanaa ee u hore Al shabaab ugu biiray.

Wareysigan dhinacyada badan taabanaya waxuu kaga hadlayaa sababihii iyo qofkii ku dhiiriyey ku biiritaanka shabaab, muddaduu joogay waxuu kula kulmay, sababaha ku dhaliyey ka soo laabashadiisa, nolosha inta xilligan joogta ku jiraan iyo fikradaha ay dadka kale sida reer hargeysa ka aaminsan yihiin, iyo jawaabo dhinacyo badan uu ka bixiyey.

Wareysigii oo dhamaystirana waxuu u dhacay sidan:

Warbixin kooban naga sii sidaad ugu biirtay  Al shabaab iyo qofkii kugu dhiiriyey?

J:“Wakhti hore ayaa nin aanu saaxiibo ahayn oo xilligan aan noolayn socdaal ku tegay xamar isagoo u tegay qolada tabliiqiyiinta ee aan u tegin urur dagaalama oo shabaab la yidhaahdo.  Ninkii oo la jooga tabliiqii ayaa maalin la tusay oo u la kulmay qolo hub wadata oo shabaab ah, markuu weydiiyeyna qoladii markiska tabliiqa joogtay, waxa loo sheegay inay yihiin Shabaab, ninkii maalin danbe ayuu nimankii kulan la yeeshay ugana warameen muhiimada islaamka iyo inaan loo baahnayn in digsi la qaato oo la wareego, balse iyaga shabaab la yidhaahdo una socdaan inay jihaadka galaan oo diinta meel walba la gaadhsiiyo, mushaharna ay qaataan, waxaanu go,aansaday inuu fikirkooda qaato, ka dibna waxuu u sheegay inay shan iyo tabaatan maalmood sugaan oo u ku laaban doono Hargeysa, si uu saaxiibadii ugu sheego fikirkaa. Markuu soo laabtay ayuu habeen isaga iyo ni kale oo Abuu Cubayda la odhan jiray reer hargeysana ahaa, waxaanu ii sheegay inuu soo helay meel jannadii ka dhowdahay oo ah gaaladoo lala dagaalamo, cajaladahana daawo ayey igu yidhaahdeen, mid dagaaladii Afqaanistaan ah, mid sida falastiin yuhuudu u disho iyo mid Usaama khudbadihiisi iyo dhacdooyinkii uu ka daneeyey lagu soo uruuriyey ay ku jiraan ayuu I daawadsiiyey, iina sharxay sida loogu baahan yahay in diinta loo dagaalamo, janadiina halkan ka dhowdahay, inan kale oo saaxiibo ahayna wuu nagu raacay, markaa ayuu la hadlay Aadan cayrow oo lacag kun doolar soo diray una sheegay inaan u tagno  ninka Cabdilaahi Gaab la yidhaahdo ee madarasad ku haysta Calaamadaha  oo ah wakiilka Shabaab ee Somaliland dhalinyaradana u dira shabaab. Cabdilaahi gaab ayaa yidhi berri aqalkayga ayaan qado idiinku samaynayaa, markaan tagnay waxa joogay ilaa sided iyo afartan  wadaado ah oo aan u arkayey inay yihiin ganacsatada magaalada wax ku haysta, halkii ayuu faa’iidada jihaadka nooga waramay, waxuu sheegay in dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray maanta jihaadku banaan yahay, nooguna bishaareeyey inaan maanta helay macaankii nolosha mar hadaan jihad go’aansanay, una soo jeediyey wadaadaii meesha fadhiyey hadii ay jiraan cid na raacaysa ama wax sahay ah ku biirinaysa, waxaana halkii nagaga biiray afar kale, nin wasiir dhalay, mid Abuu cubayda la yidhaahdo oo halkaa jooga, mid xilligan dhintay, sidii ayaan ilaa Balcad ku gaadhnay oo ciidamo Shabaab ah oo saddex gaadhi oo tikniko ah watay nagu sugayeen, waxaana naloo galbiyey Muqdisho xero ku taalay oo salaaxudiin la odhan jiray, berrigii horena lay sheegay inay ahaan jirtay xabaalo gaaladu lahayd oo shabaab burburiyeen. Saddex maalmood markaan nasanay ayaa muxaadaro naloo qabtay, soo dhowaada reer Somaliland, weligiin geesiyaal baad ahaydeen, waydinkii Siyaad barre jebiyey, waan idiin sugaynay, ka dibna waxa nala geeyey xero Shiirkole ku taalay oo Baytal-amni la odhan jiray ayaa tababarkii nalooga bilaabay, sagaal bilood ayaan tababar ku jirnay, waxaana macalimiin noo ahaa nin la odhan jiray Abu-Cishriin, Ibraahim Afqaani, sidoo kale Axmed Godane ayaa xaga caqiidada noo dhigi jiray, waxaan xerada ku joognay 289 soomaali ah, ka dib waxa nala geeyey xero afgooye ku taal oo mutafajiraadka (Waxyaalaha qarxa) nalagu barayey, oo nin cadcad ah oo Abu-ayuubi Al Ansaari la yidhaahdo na barayey oo Sweden ka soo baxsaday, bil iyo badh ka dib xamar ayaan ku noqonay. Sidii ayaan uga mid ahaa muddo dheer.

S: Ma jirtaa in shabaab qasab kaga qadaan jireen hantidooda, isla markaana caruurta iyo dumarka u qortaan ciidamo?

J: Walaal, xilligii hore, shacabka Muqdisho waxay khaati ka joogeen mooryaanta iyo budhcad booba hantidooda, markaa, iyagaa u  yedhan jiray shabaab, inkastoo nasteexo weyn aanay ku qabin iyagaba, haddana way u dhaameen mooryaanta dhacaysay, mar mar iyagaa qof walba waxuu heli karo u keeni jiray, laakiin way jirtay in qaarkood hanjabaad ka dib xoolahooda keeni jireen, hadii kale waxa lagu qaadi jiray waa murtad jihaadka diidaya, waana la dili jiray. Waxa jirta, in dadku iska ilaalin jireen la kulanka shabaab, maxaa yeelay, hadii ay kuu soo jeediyaan inaan ka mid noqoto oo aad diidid fikirkooda way ku calaamadsanayeen, mar ay ahaatana waa lagu dilayey, sidoo kale ninka ka soo horjeesta ciidamadooda wa ala dili jiray, nina kuma dhacayn inuu diido amarkooda. Ninyow, dhaqaale baaxad leh ayaa ku socon jiray, waxaan arki jiray nin Abu-Cishriin la odhan jiray oo bishiiba laba xilli xerada Salaaxudiin noogu iman jiray isagoo wada lacag aad garan kartid inaan Muqdisho laga soo ururin, oo badan.

S: Bal ka waran qolyaha is-qarxiya, waa side fikradoodu, ma qasab ayaa laysku qarxiyaa, mise iyagaa codsada?

J: Horta, inta badan dhalinyarada is-qarxisa waa soomaalida dibedaha ka soo laabta, oo maskaxdooda ay bedeleen, malaa garaad yari dooda awgeed, waxa sidoo kale jiray caruurta markay da’ doodu yartahayna waxay u tababaraan is-qarxinta, inta aanay caqli ku filan yeelan, hadhowna, iyagaa markii loo baahdo odhanaya, hebel jannadaadii waa la gaadhay, ee soo kac, hawgalkiina loo diraa, sidoo kale waxa jirta qolo haduu ka soo bixi waayo hawshaa isaga dilaysa, markaa waa laba daran mid dooro, anniga xilligii Hargeysa qaraxyada laga fulinayey, qoladii loo soo dirayey waan ku jiray, nasiib wanaag, waan xanuunsaday, oo sida aayaan kaga baaqday, balse, mar hadii ninmankaa gacanta kugu dhigaan ikhtiyaar danbe oo aad leedahay ma jiro, haddba, meeshii ay doonaan ayaa lagugu jihaynayaa, sida rimootka.

S: Maadaama ay dilaan qofkii ka baydha fikirkooda Shabaab, siday kuugu suurtowday inaan soo baxsato, ma dhimashadii ayaad ka baqday? dibse wax xidhiidh ah ma kuula soo sameeyeen?

J: Walaal, horta qof walba ilaahay baa qoray xilliguu dhimanayo, dhimasho aan ka baqayo awgeedna uma soo baxsan, sifahaan ku soo baxsadayna, wax badan kama sheegayo, hadii kale niman qeyb ku lahaa ayaa soo baxaya, ma doonayo inaan faahfaahiyo, balse, su’aashaada dib ma kuula soo xidhiidheen, haa, dhowr jeer ayey ila soo xidhiidheen oo yidhaahdeen iyagoo doonaya cabsi gelintayda, hebel waad ogtahay ballan furkaaga axdigii, annaguna waan kugu soo soconaa, balse, jawaabtaydu waxay ahayd, aqoon waan isu leenahay, waxaad haysaan waxba hala hadhina, maalintii ilaahay ii qoray ayaan dhimanayaa, laakiin cabsi imaantinkiinu igu beeraysaa ma jirto, digniina waan ka qabaa.

S: Sidaad u aragtaa fikirka shabaab ku dagaalanto ee ah inay diinta u hiilinayso iyo jihaadka markii hore iyo xilligan oo aad ka soo baxday?

J: Walaal, sidaa aan kuu sheegay inay maskaxda dhalinyarada xadaan oo ku beeraan qiiro iyo khayaali inay diinta ilaahay u hiilinayaan, siday inta badan ee dibedaha ku soo jiitaan ayey annigana markii hore igu jiiteen, nasiib wanaag, ilaahay ayaa xaqii ii bayaamiyey, waanan daba qabtay naftaydii, denbigii aan ku jirayna ilaahay ayaan weydiistay inuu iga saamaxo. Walaal waxaad arkaysaa innamo badan oo reerahoodii ugu qoran inay tahriibeen oo xeryo Muqdisho ku yaal shan sannadood ku jiray, maalina ka bixin, oon la ogolayn inuu dibeda uga baxo, mar hawlgal loo kaxeeyo isagoo afka duuban mooyee, si aan loo ogaan. Reerahoodii Muqdisho joogayna wiilkiini tolow ma baduu ku dhintay ayey isleeyihiin waa kan soo hadli waayey, mise xabsiyada dalalka dibedaha ayey ku jiraan, nasiib daro, wa acarur maskaxda laga gumaystay, dee malaa, qaarkood sixir ama wax kale ayey u adeegsadeen, sida ay u dhego xidhan yihiin, waxay u sheegaan mooyee, wax kale marayn. Maalin baan nin kula kaftamay aan saaxiibo dhow ahayn, waxuu iigu jawaabay maan dhulka gaalada tago intaan hargeysa ku noqon lahaa, iyagaa (Dhulkaa gaaladaa) ka dhow dadka Hargeysa jooga, waxaana fiican intaan gaalada la dilin in iyaga (reer Hargeysa) la dilo, iyaga ka xun gaalada, oo qaatay dimoqraadiyad.

S: Maxaad ugu danbayn u soo jeedin lahayd dhalinyarada Somaliland ama kula dardaarmaysaa?

J:Waxaan kula dardaarmayaa ama u soo jeedinayaa dhalinyarada reer Somaliland nimankaasi (Shabaab) waxay ku dagaalamayaan ama ay u dagaalamayaan ma yaqaanaan, waxaanan cadeynayaa hadaan ahay ninka wareysigan bixinaya inaanay wax diinta islaamka ah shaqo ku lahayn, balse keliya xidhan yihiin shaadh diimeed, ilaahay ninka gaalka ah sabab la’aan ku dil kuma odhan, iyagana nimanka madaxda u ah loo soo yeedhiyo oo sidaa iyo sidaa yeela la yidhaado, laakiin aanay maskaxdooda iyo fikirkooda ku socon, annagaa soo aragnay waxay galaan iyo waxay gudaan, inaanay dhib mooyee dheef aanay lahayn waxay samaynayaan. Waxaan fari lahaa shacabka gaar ahaan dhalinyarada reer Somaliland inay ka fogaadaan sifo kastoo nimankaasi caqligiina ku xadayaan, waxii ula yimaada hawlahaana u soo sheegaan xukuumadooda iyo waxqaradkooda iyo dadka caqliga u saaxiibka ah si fikirkaa khaldan ee nimankaasi wataan uga badbaadi lahaayeen, shacabkooda muslimka ah iyo dalkooda nabada ahna uga ilaashan lahaayeen.

Akhristeyaal, ujeedada wareysigan waa in ugu yaraan fikir laga qaato xaalada dhabta ah ee shabaab, inta wakhtigan u hanqal tagaysa ama isku deyeyaan inay geliyaan fikradahooda khaldana digtooni buuxda ka yeeshaan.\

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net