Nin Dhalinayaro ah oo lagu xukumay Dil kadib markii 100-Dumar ah uu ka qaaday Sawiro kala gadisan

Saudi(SLPOST)Maxkamad kutaala Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku riday muwaadin u dhashay Dalkaasi oo lagu eedeeyay in Dumar gaadhaya 100- uu ka qaaday Sawiro kala gadisan xili aaney ka warqabin.

maxkamad0

Ninkan lagu eedeeyay in Sawiro ka qaaday Dumar guryahooda jooga ayaa markii hore Maxkamad kutaala Magaalada Buraidah waxa ay ku xukuntay xabsi 12-sano ah , 800 oo Karbaash iyo in uu bixiyo lacago gaadheysa 80,000 oo riyaal.

Maxkamadii ku riday Xukunka aan horey usoo xusnay ayaa ka laabatay go’aankii hore waxaana ugu dambeyn ninkan dhalinyarada ah ee Sawirada Qarsoodiga ah ka qaatay Dumar Sacuudiyaan ah lagu xukumay Xukun Dil ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland