Nin Dhalashadiisu Tahay Faransiis oo lagu dilay Libya iyo Xarunta Baarlamaanka oo la weeraray

Benghzi (SLPOST) Kooxo hubeysan ayaa muwaadin u dhashey dalka Faransiiska ku toogtay magaalada Benghazi ee bariga dalka Libya.

images (4) 

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Patrice Real, waxaana uu u shaqeynayay Shirkad dayactir ku sameynaysay Isbitaal. Xukuumadda Kumeelgaadhka ee Libya ayaa si kulul u cambaareysay falkaan.

 

Dhinaca kale dad cadheysan ayaa weeraray xarunta Baarlamaanka kumeelgaarka ee magaalada Tripoli xilli ay halkaa ku kulansanayeen.

patrice Real

Labo kamid ah mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa la dhaawacay xilli ay doonayeen in ay ka baxsadaan goobta, waxaana afaafka hore ee Baarlamaanka lagu gubay taayiro.

 

Dadka careysan ayaa doonaaya in la kala diro Baarlamaanka. Dhinaca kale waxaa la dhaawacay nin u dhashey dalka Masar.

 

Libya waxaa ka taagan qalalaasooyin iyo weliba amni xumo iyadoo ugaarsiga dadka ajaaniibta uu sii kordhay.

 

Somalilandpost.net

Office/Hargeysa/Somaliland