Nin dabley ah oo Qudha ka jaray Afar Qof oo Yuhuud ah, ka dibna baxsaday

Toulouse, 19 March, 2012 (SLpost)- Nin dablay  ah ayaa afar  qof  ku dilay Dugsi ay leeyihiin dadka  Yuhuudda  ah oo ku yaala magaalada  Toulouse  ee  wadankaasi  France .

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AFP, afarta qof ee uu ninkaasi  dilay ayaa ahaa  Maamulihii dugsiga, Laba Carruur ah iyo Aabahood, iyadoo  weliba ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo uu ku jiro wiil 17 jir ah oo xaaladdiisu halis ku jirto, iyaga oo intaas raaciyey in ninka  weerarkaasi fuliyey uu ku   baxsaday  dhug dhuglay  ama mooto.

Arrintan  ayaa lagu tilmaamay  markii saddexaad  ee nin isku  tilmaan ahi uu fuliyo  weeraro isku mid ah.

Waxay dhacdooyinka noocan ahi ka dhaceen meelo kala duwan oo ku taala Dalka Faransiiska, waxaana ugu dambeeyey weerar todobaadkii hore lagu dilay saddexc askari halka mid kalena lagu dhaawacay.

Madaxweynaha dalka  Faransiiska  Nicolas  Sarkozy  ayaa tagay  goobta  uu dilku  ka dhacay,  waxaanu sheegay in weerarkaasi  uu yahay  mid lagu  qaaday  dadka  Frances-ka  oo dhan.

SOMALILANDPOST.NET