Nin Baraha Internetka ku Aflagaaddeeyey Caalim Caan ah oo Maxkamadi ku ridday Xukun Sannado ah

Ankara (SLpost)- Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa xukun xabsi ah ku riddey nin qoraal aflagaaddo ah oo uu ku baahiyey Baraha Internetka ku bar-tilmaameedsaday caalimka sida weyn looga yaqaano dalkaas ee Fethullah Gülen.

interneetNinkan oo lagu magacaabo Halil Gürsoy, oo farriin aflagaado ah ku qoray mareegta telefishanka Oda TV oo uu leeyahay Wadaadku, ayaa lagu xukumay sannad iyo laba bilood oo xabsi ah, iyada oo sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo kharashkii maxkamadda ku baxay.

Garyaqaan u doodaya Wadaadka aflagaaddada loo geystay oo isaga lagu magacaabo Adnan Şeker,  kiis dacwadeed ku saabsan aflagaadada u gudbiyey maxkamada, ayaa sheegay inaan madaxbanaanida hadalka ee xeerarka caalamka looga heli Karin marmarsiiyo aflagaado qaawan oo loo geystay qof bulshada dhexdeeda ixtiraam iyo karaamo ku mudan.

Garsooraha Maxkamadda magaalada Ankara ee dacwadda qaadayey oo lagu magacaabo Ali Ertan, ayaa sheegay inuu xukunka culus ugu riday maadama aflagaadada lagu baahiyey mareeg Internet qof walba daalacan karo.