Nin 50 Sanno Ka Hor Xabsi Ka Baxsaday Oo La Qabtay

Brevard, (SLpost)-  Nin dembi dil ah lagu helay 50 sanno ka hor oo xabsiga ka baxsaday dalka Mareykanka oo lasoo qabtay.

Frank Freshwaters oo 79 sanno jir ah ayaa muddo kooban ku xidhnaa xabsi ku yaalla gobolka Florida, ka hor intii aanu ka baxsan xabsiga.

Baadhis ka dib waxa la ogaaday in muddo ku dhaw 20 sanno uu adeegsanayay magac aan ahayn kiisa, masuuliyiinta magaalada Brevard ayaa sheegay in ninkan ay u dhigeen shirqool ah inuu saxeexo warqado, si ay u helaan sawirka farihiisa.50 years

Markii la ogaaday ninka la raadinayaa inuu isaga yahay ayaa waxa loo soo bandhigay sawirkii lagaga qaaday  xabsiga dhexdiisa 50 sanno ka hor, waxaanu yidhi, markii uu arkay sawirkiisa. “Waad I garateen”

Ninkan 50 sanno ka hor xabsiga ka baxsaday ayaa lagu helay dembi ah inuu gaadhi jiidhsiiyay qof wadada marayay, waxaana lagu xukumay 20 sanno oo xadhig ah.

Somalilandpost.net