Nigeria Oo Abid Markii Ugu Horeysay Taariikhda Isbedel Aan Hore Uga Dhicini Ka Hirgalay

Lagos, (SLpost)- Mohmadu Buhari, oo hore u ahaan jiray hogaamiye milateri oo xukun adkaa ayaa waxa uu doorashadii la qabtay bishii March kaga guulaystay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee dalkaasi Goodluck Jonathan.Buhari

Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Nigeria ay dawladi si nabadi ah xilka ugu wareejiso mucaaradka.

Mohamadu Buhari oo ah nin dhuuban oo askari soo ahaan jiray, kuna dhashay magaalada Daura ee woqooyiga Nigeria muddo haatan laga joogo 72 sano ayaa caan noqday sanadkii 1983-dii, xilligaasi oo uu inqilaab milateri xukunka kaga tuuray dawlad si dimuquraadi ah loo soo doortay.

Hogaamiyahan milateriga ah ee xukunka adkaa ayaa caan ku ahaa dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, oo wuxuu xabsiga dhigay siyaasiin badan.

Balse wixii xilligaasi ka dambeeyay waxa uu sheegay inuu qaatay hannaanka dimuquraadiyadda.

Waxa uu ku guuleystay doorasho ay kormeerayaashu ay ku tilmaameen tii ugu xor iyo xaq sanayd ee abid ka dhacda dalkaasi Nigeria oo ah dalka ugu dhaqaalaha roon qaaradda Afrika.

Guusha Mohamadu Buhari uu ka soo hooyay doorashadaasi ayaa timi, ka dib markii uu guul-darro kala kulmay saddex doorasho oo hore, waxa aanu khibraddiisa dhanka maamulka ah ku soo kordhin doonaa dalkaasi Nigeria oo uu hore xilal badan ka soo qabtay.

Inkastoo uu xilal badan hore u soo qabtay, Mohamedu Buhari, waxa uu aad uga duwan yahay inta badan hogaamiyeyaasha kale ee dalkaasi Nigeria oo muddadii uu xilka hayay muu urursan dhaqaale badan.

Waxa uu xilka la wareegayaa, iyadoo dalkaasi ay ka jiraan tallaabooyin lagu badhitaarayo dhaqaalaha dalkaasi oo ay horseedeen sicirka saliidda ee sii dhacaya iyo musuqmaasuqa.

Caqabadaha ugu weyn ee uu la kulmi doono ayaa waxaa ka mid ah kacdoonka kooxda Boko Xaraam oo galaafatay nolosha 13,000 oo qof, isla markaana ay ku barakeceen in ka badan 1.5 milyan oo qof.

Waa markii labaad ee hogaamiye xukun adag oo milateriga ka tirsanaan jiray xilka madaxweynaha loo dhaariyo isaga oo rayid ah, balse waa markii ugu horeysay ee si nabad ah xilka loogu wareejiyo madaxweyne la doortay oo mucaarad ah.