Nigeria Iyo Jaarkeeda Oo Yeelanaya Ciidan Isku-dhafan Oo Ka Hortaga Boko Xaaraam

Abuja, (SLpost)- Shir madaxeed hogaamiyeyaasha wadddamada jaarka la ah Nigeria uga socday Abuja ayaa lagu go’aamiyey in xoogagga milateriga ee gobolku ay noqdaan kuwo wada shaqeeynaya.Africa

Heshiiskan oo dhigaya in la sameeyo ciidan isku dhaf ah ayay askartu badidoodu waxay ka iman doonaan Nigeria, Chad, Cameroon, iyo Niger, halka Benin ay tiro yar ku biirin doonto.

Ciidammadan isku dhafka ah ayaa waxa uu saldhigoodu noqon doonaa caasimadda dalka Chad ee Ndjamena.

Madaxweyneyaasha waddamadaas iyo wasiirka difaaca ee Cameroon ayaa isla ogolaaday in sarkaal Nigerian ah uu si joogto ah u qaban doono taliska ciidanka, arrintan ayaa timi ka dib dhaliil uu u jeediyey madaxweyne Muhamadu Buhari qorshe wareegto looga dhigayo taliska, kaasoo ay is dhaafdhaafsan doonaan waddamadu lixdii biloodba mar, wuxuu sheegay in taasi ay wiiqayso sidii loo riixi lahaa Boko Xaraam.

Madaxweyne Buhari wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la xadido awoodda ay kooxdu u leedahay inay dhaqaale iyo hub hesho, wuxuuna ku baaqay in si wanaagsan loo wadaago xogta Boko Xaraam oo u muuqda inay ka go’an tahay inay sii adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Khilaafada Islaamiga.

Shirka oo muddo yar gudaheed lagu wargeliyey xubnaha ka qayb galayey ayaa muujinaya astaan ah in soo fajaridda kacdoonka Boko xaraam uu muhiimadda koowaad u yahay madaxweynaha Nigeria.

Tan iyo markii la dhaariyey in ka yar laba todobaad ka hor, wuxuu u duulay Chad, Niger iyo Jarmalka oo uu kaga qayb galay shir madaxeedkii G7.

Kulamadaas dhamaantood waxa diiradda lagu saaray dhismaha xulafo caalami ah oo la dagaallanta Boko Xaraam.

Labadii todobaad ee u dambeeyeyna tiro ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerarro loo adeegsaday qoryo iyo qaraxyo bambooyin oo ay qaadeen jihaad doonayaasha Boko Xaraam.

Somalilandpost.net