Nidaamka Waddo-marista Jidadka Caasimadda qaarkood oo Wax-ka-beddel lagu samaynayo

Wasiir Waran-cadde oo Dhex-dhexaadinta Guddiga Guurtidu ka Dhex bilowday Garabyada Kulmiye ku micneeyey Mid lagu saxayo Khalad Sharci oo dhinacyada midkood ku kacay (DAAWO)Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday wax-ka-beddel lagu samaynayo sannadka cusub nidaamka waddo-marista qaar ka mid ah jidadka magaalada Hargeysa oo laga dhigi doono hal haad oo kaliya.

Digreeto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu ku dhawaaqay Wasiir Cali Maxamed Wara-cadde, ayaa lagu sheegay in horaanta bisha kowaad ee sannadka cusub wax ka beddel lagu samaynayo nidaamka waddo-marista ee Jidka hormara madaxtooyada iyo jidka xagga dambe ka mara Cusbitaalka Guud Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in waddada wadnaha magaalada ee hor-marta madaxtooyada laga dhigi doono Hal Haad oo kaliya baabuurtuna u socon doonto oo kaliya Jihada Galbeed oo kaliya, iyada oo baabuurta u socdaalaysa dhinaca Bari ay isticmaali doonaan waddada xagga dambe ka marta madaxtooyada.

Haddaba, halkan ka daawo wasiirka oo arrintan sharraxaad ka bixinaya iyo Qodobbo kale