Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda ahna maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa Bulshada reer Hargeysa ugu bushaareeyey in la dejiyey nidaamka xog-kaydinta iyo casriyeynta Caasimadda oo la dejiyey, waxaanu ugu baaqay in cidda haysata faylal dhuleedka cidda ay dhulka ka iibsadeen ku diiwaangeshay si dhaqso ah kala wareejinta u dhammaystaan intaan nidaamkani dhammaystirmin.
Maayarka Caasimadda Hargeysa iyo Xubno ka tirsan Shaqaalaha dowladda hoose ee Hargeysa, ayaa Khamiistii maanta soo bandhigay adeegyada la dejiyey ee casriyeynta Caasimadda iyo xog-kaydinteeda.