Nicholas Kay oo Rejo-beel ka Muujisay Midnimo Somaliland iyo Somaliya wadaagaan, Dawladda Maraykanka-na u bandhigay Gar-naqsi Madaxweyne Siilaanyo Dhexmaray

Washington (SLpost)- Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa ka sheekeeyey hadallo kaftan-siyaasiyaadeed iyo gar-naqsi isugu jira oo dhexmaray Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wakhti uu sannadkii hore booqasho ku yimi Somaliland.

Silanyo_Nicholas KayDanjire Nicholos Kay oo xalay khubad ka jeedinayey war-bixin la xidhiidha xaaladda Soomaaliya Xarunta Machadka Nabadda ee Maraykanka, ayaa sheegay inay Somaliland u dhaqanto sidii dal madax-bannaan oo hab-dhaqankiisa dibloomasiyadeed u shaqaynayo si heer-caalami ah, isaga oo hadalkiisa tusaale ugu soo qaatay wax uu kala kulmay kulanka dhexmaray isaga iyo madaxweyne Siilaanyo.

Kulanka xarunta Machadka Nabadda Maraykanka ee Danjire Kay khudbadda ka jeediyey, su’aalo la xidhiidha hawlihiisa shaqo ee Somaliya iyo Arrimaha Somaliland ay ku weydiiyeen dadkii ka soo qayb-galay, waxa daadinayey La-taliyaha Gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Ambassador Johnnie Carson oo machadka u qaabilsan arrimaha Afrika.

Ergayga Qaramada u qaabilsan Soomaaliya oo ugu horeyn la weydiiyey heerka uu gaadhsiisan yaay xidhiidhka Somaliland la wadaagto Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramadda Midoobay u qaabilsan ee UNSOM, ayaa ku jawab, “Somaliland sida lala socdo waxay taagan tahay mowqif gaar ah oo ay ku sheeganayso madaxbanaanideeda, inkasta oo weli adduunku aanu aqoonsan. Laakiin xaqiiqada jirta, Somaliland waxay u macaamishaa sidii dal jira “de facto”, fikirkaygana waxaan qabaa inay sidaa ku sii dhaqmi doonaan, halka Koonfurta Soomaaliya, Puntland iyo gobolada kale ka hadlayaan qorshayaasha nidaamka federaalka, doorashooyinka, iyo qeybsiga kheyraadka iyadoo Somaliland aanay qeyb ka ahayn, anigoo ka shakisan inay gaar ahaantooda ku joogi doonaan,” ayuu yidhi Mr Kay.

Ergeyga Xoghayaha Qaramadda Midoobay Mr. Nicholas Kay oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xidhiidhka u dhexeeya xafiiskiisa iyo Somaliland, ayaa sheegay inaanay jirin wada-shaqayn toos ah oo u dhex-martay Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay kulan sannadkii hore dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirradiisa ah.

“Waxaan booqasho ku tegay Somaliland bilowgii hawlgalkayga, si wanaagsana waa laygu soo dhoweeyey oo soo arkay horumarka ay sameeyeen. Waxaan kulan la yeeshay Madaxweyne Siilanyo iyo xubno wasiiradiisa ka mid ah. Madaxweyne Siilanyo waxuu ahaa nin soo jiidasho leh, oo aan la malayn karin, marka loo eego go’aankii ka soo baxay. Wuxuu yidhi, ‘Mr. Kay waxaad tahay ergeyga Soomaaliya, waxaanan filayaa inaad timi waddan kale, halkaad u socotay waa dalka Soomaliya oo aanu jaar nahay’. Runtii waan ixtiraamayaa mowqifkooda, inkasta oo aan ka yara xumaaday, maadama UNSOM keliya aanay ka shaqeyn siyaasadda ee dhinacyo kale oo muhiim u ah gacan ka geysato,” ayuu yidhi Mr Kay, waxaanu intaas ku daray, “Laakiin, ma filayo inaan kala hadhnay, waxaan rajeynayaa inay iman doonto maalin aan wada fadhiisano oo wada xaajood kale yeelano, mar walba dhinacayga waan soo dhoweynayaa arrinkaa.”

Dhica kale, waxa uu Ergaygu ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Inkastoo xaalada aan soo sheegay jirto hadanna waxa jira wada xaajood u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo Turkigu martigelinayo, haatana laysla soo qaaday arrimaha khuseeya danaha ay wadaagaan, lagana yaabo inay u gudbaan arrimaha siyaasada,” ayuu yidhi Ergayga Xog-haya Guud ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Mr Nicholas Key.

Danjire Nicholas Kay oo booqasho ku yimi Somaliland bishii June ee sannadkii hore oo ku beegnayd laba bilood ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u wakiishay Arrimaha Soomaaliya, ayaa madaxweyne Siilaanyo kulan aanay QM natiijada ku qancin kula yeeshay magaalada Hargeysa, waxaanay xukuumadda Somaliland oo xilligaas ka hadashay waxyaabihii layskula soo qaaday kulankaas sheegtay inay Danjire Kay ku qanciyeen farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, isla markaana loo diiday inuu magaalada Hargeysa ka furto xafiis hawlaha Somaliya lagaga arrimiyo maadaamaa oo siyaasaddiisu baal-marsan tahay mawqifka Somaliland.

 

XIGASHO: Himilo