Netanyahu oo Falastiiniyiinta ka codsaday Aqoonsiga ..

Taleviv (SLPOST) Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu oo safar ku jooga dalka Maraykanka ayaa khudbad kasoo jeediyey shirweynaha AIPAC ee kooxda u ololeysa maamulka Yuhuuda.

netanyahu-bibi

Netanyahu oo shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Barack Obama ayaa la sheegay in laga codsaday inuu dar dar geliyo wadahadalka nabadeed ee bariga dhexe, isla markaana joojiyo qorshaha dhismayaasha cusub ee laga dhisayo dhulka laga boobo Falastiiniyiinta.

Maraykanka ayaa sheegay in aysan waxba ka qaban Karin culeyska Beesha Caalamka saareyso Isra’iil hadii aysan joojin dhul boobka ay ku wado deegaanada shacabka Falastiin doonayaan inay mustaqbalka ka dhistaan maamulkooda.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Isra’iil ay wax walba ka hormarin doonto amnigeeda, wuxuuna ugu baaqay Falastiiniyiinta inay aqoonsadaan Dowlada Yuhuuda.

Sida aan diyaarka ugu nahay inaan Aqoonsano dowlada Falastiin yeelato, waa in Falastiiniyiinta aqoonsadaan in dalka Isra’iil uu yahay wadanka Yuhuuda….” Ayuu yiri Netanyahu oo ka khudbeenayey shirweynaha kooxda AIPAC ee u ololeeya Yuhuuda

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji AyaaTafaasiil Ka Bixiyey Mootooyin Loogu Talo-galay Galbinta Madaxwaynaha Iyo Maamuska Madaxda-Dhageyso

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta soo bandhigay afar mooto oo cusub, kuwaasi oo loogu in Maamuus ahaan u hor iyo dabagalaan mararka uu safarka u baxayo

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay in dhalinyarada askarta ee ku shaqeyn doona mootooyinkan loo dirayo dal ka mid ah Yurub, si u soo bartaan baratakoolka iyo maamuuska Madaxda.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland