“Nebigu (SCW) waa Dayuus-buu yidhi ninka Caarkiisii, carruurtiisa iyo reerkiisii kaga taga nin Mutacaafi ah oo uu yidhi ii ilaali guriga” – Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka

“Nebigu (SCW) waa Dayuus-buu yidhi ninka Caarkiisii, carruurtiisa iyo reerkiisii kaga taga nin Mutacaafi ah oo uu yidhi ii ilaali guriga” – Taliye ku-xigeenka Laanta SocdaalkaHargeysa (SLpost)- Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale), ayaa ka hadlay hawl-gal ciidammada laanta Socdaaku ku qab-qabteen dad Ajaanib ah oo sharci-darro ku jooga dalka, kuwaas oo uu sheegay inay xaalad ammaan-darro ku hayaan dalka.

Taliyaha oo maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay xoojinayaan hawl-galladooda qab-qabashada dadka Ajaanibka ah, isla markaana ay baadhayaan guryaha iyo hudheellada, waxaanu dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay ciidamada Laanta Socdaalka gacan ku siiyaan hawl-galkooda.

HALKAN KA DAAWO