Natiijooyinka Imtixaanka Naqliga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo lagu dhawaaqay iyo Dugsiyada u Sarreeya

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarrada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Maanta si rasmiya ugu dhawaaqday natiijada Imtixaankii dugsiyada sarre ee fasallada 4aad iyo dugsiyada dhexe ee fasallada 8aad, isla markaana  dhambaal Hambalyo ah u dirtay guud ahaan Ardayda somaliland, gaar ahaan kuwa ku guulaysatay kaalmaha hore ee Imtixaanka shahaadiga ah.

Wasiirka Waxbarashada oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo Madaxa Hay’ada AET Mr Xasan Embasi oo warbaahinta kula hadlay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka,ayaa Gudoomiyaha Xafiiskaasi Mr Daa’uud Axmed Faarax ayaa tilmaamay in sannadkan ay ardaydu la yimaadeen dadaal sidii hore ka badan,waxaanu u mahadceliyay dhamaanba ardayda,waalidiinta iyo Macalimiinta kala duwan ee dugsiyada ka qayb qaatay Imtixaanka Shahaadiga ah,Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan arday ay natiijada Imtixaankooda ka wada hadli doonaan Maamulayaashooda.

Madaxa Hay’ada AET Mr Xasan Embasi oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay mudo todoba sanadood ah wada shaqayn mug lihi u dhaxaysay hay’adooda iyo Wasaarada Waxbarashada gaar ahaan Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka,waxaanu intaas ku daray in khubaro ka socota hay’ada AET la hawl gali jireen Xafiiska Imtixaanadka Qaranka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka warbixisay Guud ahaan ardayda u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa Dhexe, waxaanay sheegtay in 5842 oo arday oo ka kala tirsan  63 dugsi sare ay Imtixaanka U fadhiisteen,waxa ay intaas raacisay inay Imtixaankaas ka gudbeen 5645 Arday,halka ay ka dhaceen 3 arday oo keliya isla markaana 168 Arday aanay ka soo xaadirin.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka hadlaysay fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe waxa ay sheegtay inay imtixaanka u fadhiisteen Kow iyo Toban Kun,Lix Boqol iyo Lix iyo Labaatan Arday, oo ka kala socday 218 dugsi.

Waxaa ku Guulaystay Imtixaankaas Toban Kun,Lix Boqol iyo Lix iyo Toban Arday,waxaana dhacay Shan Boqol iyo Kow iyo Sodon arday , iyadoo aanay u fadhiisan Imtixaanka Afar Boqol iyo Todoba arday,halka ay ka Xumaadeen Sagaal iyo Toban Arday.

Marwo SamSam Cabdi Aadan Waxay si gaar ah ugu mahadcelisay Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka degmada Berbera oo sannadkan Muujiyay horumar la taaban karo.

Wasiirka Waxbarashadu waxay markaas kadib ku dhawaaqday Tobanka arday ee ugu sareeyay Gobolada Dalka ee Imtixaanka Fasalada 4aad ee Dugsiga Sare iyo Fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe .

Kaalinta 1aad ee Dugsiyada Sare waxaa ku guulaystay Dugsiga Nuura-diin ee Gobolka Maroodi jeex,halka kaalinta labaad uu ka galay dugsiga Sh.Ibraahin ee Gobolka Togdheer,iyadoo kaalinta 3aadna uu galay dugsiga Nuuradiin ee Gobolka Maroodi jeex, Kaalinta Afaraad waxaa galay isla dugsiga Nuura diin,halka kaalinta Shanaad uu galay dugsiga Al irshaad ee Gobolka Maroodi Jeex, iyadoo kaalinta Lixaadna uu ku guulaystay Dugsiga Al Khayr ee Gobolka Maroodi jeex,dugsiga Sh.Ibraahin oo ku yaal gobolka Togdheer ayaa kaalinta 7aad galay,halka ay  dugsiyada Smart iyo 21 November oo ku yaal gobolka Togdheer ay wada galeen kaalinta 8aad,isla markaana ay kaalinta 10aad wada galeen Dugsiyada New Gebilay iyo Oday X.Maxamud oo ku yaal Gobolka Saaxil.

Geesta kale waxay Wasiirka Waxbarashadu ku dhawaaqday oo kale Tobanka Dugsi sare ee ku guulaystay Kaalmaha hore ee Imtixaanka Shahaadiga ahaa waxaa kaalinta 1aad,2aad ,4aad iyo 10aad, wada galay dugsiga Nuuradiin1,kaalmaha 3aad,4aad,6aad iyo 7aadna waxaa ku guulaystay dugsiga Sos,halka   kaalinta 8aad uu galay Dugsiga Abu Hurayra iyo Kaalinta 9aad oo uu galay dugsiga Ilays.

SomalilandPost/Hargeysa