Natiijadda Imtixaanka iyo Mustaqbalka Ardayda Qallinkii Weriye: Khadar jaamac Dirir

 

Waxaa maalintii shalay si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanbaa dalka Imtixaankii shahaadiga ah ee fasaladda 8-aad ee dugsiyadda dhexe iyo afraad ee dugsiyadda sarre.

Imtixaankan oo sannadkan ay u fadhiisanayaan guud ahaan dalka 17531 arday (toban iyo todoba shan boqol sodon iyo kow), dugsiyada sare waxa ka baxaya 5846 arday (shan kun sided boqol afartan iyo lix), 4169 (afar kun boqol lixdan iyo sagaal) waa wiilal, 1695 (kun lix boqol sagaashan iyos shan) waa hablo.Dugsiyada dhexena waxa ka qaybagalaya 11667 (tabaniyo kaw, lix boqol lixdan iyo todoba), 4086 waa hablo.

Imtixaanka ayaa noqonay mid aad uga badan imtixaanadkii hore oo ardayda ka qaybgalaysa ay aad uga badan tahay kuwii hore, laakiin ardayda intaas le’eeg ee u fadhisanaysa imtixaanka shaahadiga ah ayaa laga yaaba meelaha ay shaqo ha dhow ka heli karaan. Taasoo ardaydii ka horreysay ay weli la’yihiin shaqooyin ay fooda la galaan.

Haddaba xukuumadda Siilaanyo oo markii ay loolanka ugu jirtay doorashooyinka madaxtinimadda ee aqalka madaxtooyadda dhalinyaradda ku beerlaxawsan jirtay waxaanu abuuraynaa shaqooyin ayaan taa ka dhab-sheegin iyadoo ay ku mashquushay waxyaabo kale oo aan dhalinyaradda dhiiri-gelinin oo aad arkayso dhalinyaradda oo leh isbedelkii waxba muu soo kordhin oo qofkastaba xiddigaha kor u tirinayo. Iyadoo waliba aad looga sii niyadd jabay hadalkii komishanka doorashooyinka ee ahaa xeerka No 20 ee uu celiyey golaha wakiiladda in wax laga bedelo qaabkaasi oo ay markii hore soo dhaweeyeen dhalinyaraddu oo u ogolaanayey inay ka qaybgali karaan doorashadda dalka, waxaan aad uga yaabanahay dhalinyaradda inta le’eeg ee imtixaanka u fadhiisanaysa halka shaqo looga heli karo. Maadaama oo ay wali meel walba tuman yihiin dhalinyaraddii ka soo baxday jaamacaddaha dalka oo aan meela uga dhaqaanin inay cilmigoodii ku anfacan dalkooda hooyo oo ay in badan ugu soo jireen sidii ay mustaqbalka u noqon lahayeen kuwo isbedel ku keena dalka.

Sidaa darteed, waxa fiican in dhalinyaradu noqdaan kuwa u fikira qaabkii ay umaddooda iyo iyagu wax u noqon karaan, isla markaana noqdaan kuwa ka dooda ama u fikira mabaadi, balse aan ku meereeraysan waxyaalo aan u dan ahayn oo wakhti badan kaga lumayo, waxaana loo baahan yahay dhalinyaro hiigsi iyo himilo fog inay yeeshaan maadaam ay mustaqbalka meel un kagali doonan, kuwaas umaddooda aragtidda laga qabi karo wax ka bedeli kara, waayo haddii la qiimeeyo oo la arko inay dhalinyaradooddu u fkirayaan qaabkii lagu qiimeyn jiray wadamadda dib u dhaca ku yimi, waxay inagu noqonaysaa dadnimo la’aan, dhalinyaro ka fog inaad noqoto qof inta badan ka hadla ama noqda mid u fikira nolol ka fiican noloshan uu ku jirto oo alle talo saaro oo ilaali qiimaha ay leedahay dawladnimo waayo bari ayaad noqon doonta mustaqbalka dalka insha Alle.