Natiijada Kulan lagu Naaqishay Shirar dhexmaray Guddiyo heer Qaran ah oo Somaliland iyo Itoobiya Metelaya

Maxamed Cabdilaahi

Hargeysa (SLpost)- Gudi heer Qaran ah oo Xukuumada Somaliland u xil saartay sii Xoojinta Xidhiidhka labada Wadan ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland .

Ujeeddada Kulankan ayaa salka ku hayay sidii faahfaahin looga bixin lahaa Shir laba Geesood ah oo ku dhex maray Magaalada Diridhaba Wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Faysal Cali Sheekh kana koobnaa Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada,Hawlaha Guud,Duulista iyo Hawada,Agaasimaha Baanka Dhexe,Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amaanka,Labada Safiir ee Labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia iyo Xubno kale,iyadoo uu kulankaasi qaatay Mudo laba Cisho ah.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo markii uu dhamaaday kulankani warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii laga wada hadlayay waxa uu wasiirku sheegay inay Gudi heer Qaran ah Xukuumadu u xilsaartay  sii xoojinta xidhiidhka labada wadan waxa uu Wasiirku tilmaamay in dawlad ahaan ay soo dhawaynayaan kulamada labada dhinac u qabsoomay oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo bar bilow ah isla markaana ay dib ugu cusboonaysiinayaan heshiisyadii hore u dhex maray Somaliland iyo Ethiopia sida dhaqaalaha, Nabadgalyda, Dekadaha, Dalxiiska, Kastamada, Gaadiidka, Duulimaadyada iyo Iskaashiga dhinacyo badan leh ee u dhexeeyay labada Wadan,waxaanu intaas ku daray inay hada u qorshaysan tahay shirar kale oo lagu sii ambo qaadayo midhihii ka soo baxay kulankii diridhaba ku dhex maray labada wadan .

“Waxa saaka kulankoodii ugu horeeyay Wasaaradda arrimaha dibadda ku yeeshay Guddi heer qaran ah oo ka kooban Ha’yadaha Qaranka ka soo laabtay magaalada Diridhaba oo ay kula shireen dhiggooda Dalka Itoobiya kaas oo lagaga wada-hadlayey iskaashi iyo wax wada-qabsi lafilaayo in labada dal dhawaan dhexmaro oo heshiiskaas marka uu hirgal, waxa uu noqon donaa heshiis taarikhiya oo dhinacyo badan ka hadlaya hadday tahay xagga ganacsiga, hadday tahay Kastamada, Dakadaha iyo xagga nabad-galyada,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu xusay in marka ay soo dhamaadaan Kulamadani ay isu diyaarin doonaan heshiis buuxa  oo dhex mara labada Wadan isla markaana taariikhda baal dahab ah ka gala.

Waa markii u horaysay ee kulan noocan oo kale ahi uu dhex maro Somaliland iyo Ethiopia.

SOMALILANDPOST.NET