Natiijada Kulan lagu gorfeeyey Eray-bixin loo Adeegsanayo Aafada Musuq-maasuqa iyo Dabar-goyntiisa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha hay’ada Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa maanta soo gebo gebeeyay kulan hawleed ay ka qayb qaadanayeen lixdan Xubnood oo lagaga hadlayay la dagaalanka Musuq maasuqa iyo Curinta Fariimaha .

Xubnaha ka qayb qaadanayay Kulan hawleedkan ayaa ka kala socday hay’adaha dawlada qaarkood, ururada bulshada, Saxaafada iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa Md Axmed Muxumed Madar oo madashaasi ka hadlay, ayaa ujeeddada ay kulan hawleedkan u soo qaban qaabiyeen ku sheegay mid la xidhiidha sidii la isula meel dhigi lahaa isla markaana loo curin lahaa erey bixinta loo adeegsanayo wacyigelinta iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, isagoo tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la toosiyo Maamulka.

Axmed Muxumed Madar waxa uu intaas ku daray inay tahay waajib ina wada saaran sidii jiilka soo kacaya loogu jeexi lahaa hab ku salaysan maamul hagaagsan oo ka madhan musuqmaasuq isla markaana leh barnaamij siyaasadeed oo cad.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Faysal Cali Sheekh oo ka qayb galayaasha afkooda ku hadlayay, ayaa tilmaamay in Musuq maasuqu yahay aafo bulshada ku dhex jirta,waxaanu sheegay in Komiishanka Maamul waaagu ay hawshiisu tahay mid bilow ah,balse ay ka rajaynayaan sida uu yidhi inuu awood adag yeesho .

Faysal Cali Sheekh waxaa kale oo uu sheegay inay waajib tahay sidii shacabka loogu gudbin lahaa farriin cad oo ku aadan dhibaatada uu Musuq maasuqu leeyahay iyo inuu cudur ku yahay dhismaha wadan jira,oo uu hoos u dhigo horumarkiisa.

Gudoomiye ku xigeenka Komiishanka Maamul wanaaga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ururiyeen afkaarihii laga soo jeediyay kulan hawleedkan, waxaanu xusay inay ka qayb galayaashii kulankani ay soo bandhigeen talooyin dhaxal gal ah oo lagu camal fali karo.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha Guud ee Komiishanka Maamul wanaaga   iyo xubno kale oo dhamaantoodba caddeeyay ahmiyada uu kulankani lahaa.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

contact@somalilandpost.net