Natiijada Kulan Kootada Haweenka ee Goleyaasha Qaranka loogu Shukaaminayo Labada Aqal ee Baarlamanka

Hargeysa (SLpost)- Shir-hawleed socday muddo labo maalmood ah kuna saabsan sidii labada gole ee Baarlamaanka Somaliland looga dhaadhicin lahaa inay haween-weynaha Somaliland goleyaasha qaranka ka helaan kuraas kooto ah, ayaa maanta ka lagu soo gebo gebeeyay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Shirkan oo ay ka qayb galeen Soddon xubnood oo ka tirsan Golayaasha wakiilada iyo Guurtida, ururada bulshada rayidka ah iyo hawlwadeeno ka tirsan Dalladda Negaad, ayaa waxaa ka hadashay xidhitaankiisii Marwo nafiisa Yuusuf Axmed oo ah Gudoomiyaha Dalladda Haweenka ee Negaad waxana ay sheegtay in dalladu sii wadayso dadaalkeeda inta ay haween weynaha somaliland ka helayan kuraastii kootada ahayd ee ay ka doonayeen golayaasha qaranka, taasoo ay ku sheegtay mid  wadada u sii xaadhaysa sidii haweenku uga qayb geli lahaayeen siyaasadda Somaliland, waxaanay u mahadcelisay xubnihii ka qayb qaatay kulan hawleedkan.

Xildhibaan Cali Barre, Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Cismaan oo ka kala Tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada kana mid ah xubnaha ka qayb qaadanayey shir hawleedkan, ayaa sheegay in dastuurka Somaliland aanu waxba u diidayn haweenka, hase ahaatee loo baahan yahay in haweenka laftoodu u diyaar garoobaan tartanka.

Somalilandpost.net/Hargeysa