Natiijada Kulamadii Maanta ee Ciyaaraha Gobollada Dalka iyo Waxyaabaha ay Wadaagaan labadii Gobol ee Maanta ay Guushu raacday

Hargeysa (SLpost)- Ciyaarihii Kubada Cagta ee Tartanka Gobolada Somaliland oo Maraya Meel Xasaasi ah ayaa waxaa Maanta kulamo wada yeeshay Xulalka Gobolada Awdal iyo Sool oo ay laba Gool ku badiyeen Xulka Gobolka Awdal halka Gobolka Gebilay uu Laba Gool kaga dul talaabsaday Xulka Gobolka Togdheer, iyada oo Afarta Kooxdoodba ay ku wada jiraan Group C oo lagu tilmaamay inuu Yahay Group-ka Dhimashada.

Labada Kulan oo natiijooyinkooda aan looga dhur-sugayey isla markaana dadku si weyn u xiisaynayeen natiijadooda, ciyaarta hore waxa ay garoonka Hargeysa Stadium ka bilaabantay Labadii Duhurnimo, waxaana Guusha xulka Awdal u horseeday labada Goolna haafkii hore ee ciyaarta u dhaliyay Ciyaaryahanka lagu magacaabo  Suudi ee Sita Nombar 16-ka halka Xulka Gobolka Sool aanay la Iman wax Gool ah oo wax ka bedela Natiijadii Ciyaarta.

Sidoo kale, Ciyaarta Isha lagu hayay oo u dhaxaysa Xulalka Gobolada Gebilay iyo Togdheer, waxa ay  Xulka Gobolka Gebilay Qaybtii hore ee Ciyaarta la Yimaadeen Laba Gool oo Qurux badan oo ay u kala dhaliyeen Ciyaar yahanada la kala yidhaa Mukhtaar Guuleed iyo Mubaarik Diyo, ciyaartaasina waxa ay ku dhammaatay iyada oo aanay xulka gobolka Togdheer keensan wax goolal ah.

Hargeysa StadiumSi kastaba ha ahaatee, labada kulan ayaa wadaagay laba astaamood oo ay isaga mid ahaayeen: 1- Natiijada Ciyaaraha oo ku dhammaaday 2-0 iyada oo goolashu ay dhasheen Qaybtii hore ee ciyaarta.

2- Labada Xul ee Guushu Raacday oo ka tirsan Gobollada Galbeedka Somaliland, halka labada xul ee kulamadooda ay guul-darradu ka raacday ay ka tirsan yihiin Gobollada Bari ee Somaliland.

Somalilandpost.net/Hargeysa