Natiijada ka dhalan karta kootaynta xirfadda qareennimo iyo raadka ay ku yeelan karto Garsoorka Somaliland

Xuquuqaadka aasaasiga ah ee ku dhigan qodobada 21-36 ee Dastuurka JSL waa kuwo dastuurku u damaanad qaadayo Muwaadiniinta, xuquuqaadkaasi waa kuwo qofka Muwaadinka  ahi leeyahay goor kasta iyo goob kasta. Ma jirto cid awood u leh in aay laasho xaq ku jira oo uu bixiyey Dastuurka JSL.

Hadaba, Wasaaradda Caddaaladu iyada oo iska indho tiraysa xuquuqdaas ayaa waxa ay ku tumatay xaqii ay lahaayeen boqolaal aqoonyahan reer Somaliland ahi, kadib markii ay laashay oo diiday  in ay bixiso ruqsadihii qareenimo.

Waxa Wasaaraddu u badheedhay in ay u diido aqoonyahankii sharciga soo bartay in ay ku caawiyaan dadkooda waxay soo barteen. Maanta qofka sita PhD, Master ama Bachelor Degree kama noqon karo Somaliland qareen. Ha noqdo qareen ka soo baxay Havard, Oxford ama Jaamacadda Hargeysa. Laba arimood ayaan markaa is qaadi Karin: in siyaasadda xukuumadda ay ku jirto shaqo abuurid iyo in Wasaaradda Cadaaladda, iska daa in ay shaqo abuurto e, in ay diido shaqooyin kii gaarka ahaa. Markaa cunaqabataynta ay Wasaarada Cadaaladu ku soo rogtay sharciyaqaanada ma mid xukuumadu la qabtaa mise waa mid iyada u gaar ah?!!!!!

Wasaaradda Cadaaladdu waxa ay ilaa hada dhegaha ka furaysatay baaqyada iyo codsiyada is daba jooga ah ee lagaga codsanayo in ay Dastuurka dhawrto oo aanay si kas ah ugu tuman. Waxan Wasaaradda Caddaaladda xasuusinayaa in Dastuurka oo lagu tuntaa yahay denbi culus. Waxaaana suuragal ah in mar uun laga xisaabtamo arinkan.

Iyada oo aynu ognahay doorka uu bulshada ku leeyahay sharcigu, waxaa ah waxaan la qaadan Karin in dadkii shariciga bartay laga fogeeyo xirfadooda, waxaana ka dhalan kara:

  • In la niyad jebiyo kuwo baranaya,
  • In laga hortago kuwa is leh ku biira kuliyadaha sharciga.
  • Waxaa kale oo ka dhalan kara talaabadan Wasaaradda Cadaaladu qaaday in Garsoorka Somaliland qaloocsamo oo uu waayo dad aqoon leh oo ka shaqeey.
  • In ay yaraadaan dadka barta sharicga
  •  In ay kor u kacdo tirade dadka tahriibaya. Dhalinyarada sharciga soo baratay ee lagu soo rogay cunaqabaynta qaar badan oo ka mid ah ayaa miciinsan doona in aay iskaga tagaan dalka.

Waxan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland in aay soo faro-geliso arinkan oo lagu amro Wasaaradda Cadaaladdu in ay sharciga u hogaansanto oo ay fuliso xuquuqaha dastuuriga ah.

Garyaqaan:Mowlid Farah Mousa

 4401990