Natiijada Ciyaar Kubadda Koleyga ah oo Hargeysa ku Dhexmartay Naadiyada Jabuuti City Council iyo GAASHAAN

naadigaHargeysa (SLpost)- Ciyaar Saaxiibtinimo ah, ayaa maanta gelinkii dambe garoonka Kubadda Koleyga ee Timocadde ku dhexmartay Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka iyo koox ku ciyaaraysa magaca magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo dorraad socdaal ku yimi dalka.

Ciyaartan oo daawashadeeda ay goob-joog ka ahaayeen Gudoomiyeyaasha Xidhiidka Kubada Kolayga ee Somaliland iyo Dalka Jabuuti, Saraakiil ka socotay Ciidanka Qarranka ee Somaliland iyo dadweyne aad u tiro badan, ayaa ku bilaabantay jewi deggan oo labada dhinacba qaabciyaareedkoodu ku dhisnaa weerar iyo Weerar Celis, inkast oo qaybtii hore ee Ciyaarta ay ku Gacan sareeyeen Kooxda ku ciyaarta Magaca Ciidanka Qaranka ee Gaashaan waxaana qaybta 1aad lagu kala nastay 25 dhibcood oo ay la yimaadeen Kooxda Gaashaan iyo 17 dhibcood ay keensadeen Kooxda Jabuuti City Council.

Qaybtii danbe ee Ciyaarta, Kooxda Jabuuti City Council waxay dardar la soo gashay garoonka isla markaana waxay wax badan ka beddeleen hanaankii ay markii hore u ciyaarayeen, waxaana labada dhinacba u suurto-gashay inay dhashadaan goolal wax ka beddelay natiijada qaybtii hore.

Gebogabadii ciyaarta, waxa ay Guushu ku raacday Kooxda Gaashaan ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo keensatay 44 dhibcood halka ay Kooxda ku ciyaaraysa magaca  Jabuuti City Council ay keensadeen 42 dhibcood.

Kooxda Jabuuti City Council, waxa ay maalinta Berri ah Ciyaar saaxiibtimo la yeelan doonaan Naadiga kubadda Koleyga ee Ciidanka Asluubta ee Goodir.

Somalilandpost.net/Hargeysa