Nasashada,Cuntooyinka iyo Hudheelada Hargeisa (1) – W/Q: Ceelaabe

Inta badan waxa ishaadu qabaneysaa meelo badan oo ah Dhinacyada wadooyinka isla markaasina lagu Karinayo cuntooyin ama laguba iibinaayo.Maqaaxiyaha cuntooyinka sameeya sida Quraacda ama cashada iyo Hudheelo si qasab ah looga furey meelo aan munaasib ku aheyn in cunto lagu cuno ama lagu kariyo Ayaad arkeysaa.Cunto wadaniga Ayaana kaalinta koowaad kaga Jira waxyaabaha inta badan dhinacyada wadooyinka wakhtigan soo galay ama meelo badan oo ka mid ah Suuqyada yaryar ee caasimada Hargeisa aad ku arkeyso.Dad badan ayaa Banaanka la fadhiya cunto ama kuba Cunaaya,In Shaaha banaanka lagu cabo la iskulama Yaabo,oo Maqaaxi kasta ayaaba Kuraasta Bananka inta badan soo Dhigta laguna Sheekeystaa,Waxase reeban in taagni lagu cabo.Laakin in cuntada banaan lagu cuno ama Meel aan ku Habooneyn waa Lagu iibiyo laguna cuno Ayaa ah mid dhinaca Caafimaadka iyo Xishoodkaba aan u wanaagsaneyn.Cuntooyinka Fudud ee Berigii horeba suuqa lagula dhex wareegi Jirey ee Inta badan wakhtiga Nususaacaha la qaato iyo Mida weyn ee u baahan Distiyo Karaaya Ayaana kala duwan.

Markasta oo Tirada dadku ay sii badato Waxa kale oo dhinac socda in goobaha laga cunteeyo ama hudheeladuna ay intii hore ka sii bataan.Dadyow badan ayaa raba in ay cunto ku kariyaan ama la soo Fadhiistaan goobo aan munaasib ku aheyn.Dad badan ayaa cuntooyinka fudud ee inta badan sida Dhakhsaha u bislaada ama loo cuno ku karinaaya ama la fadhiya kulana Wareegaya Meelo kala duwan.Suuqyada Jaadka,iyo Istaanada basaska,Hudheelada Dhismayaasha ah Dhinacyadooda ayaan inta badan lala soo Doontaa iibinta ama cunto karinta.Bagaasheekana soo degana waxa ugu badan waxyaabaha la cuno ama la cabo oo ah Waxa keliya ee la og yahay in iib loo heli doono aan kala Joogsi laheyn.

Hudheelada,sandaqada,Dhismaha,Buulka ama Banaankaba ah ee Sawaxanka badan,Buuqa iiyo Qeyladuna ka taagan tahay Ayaad ka soo Cunteyneysaa.Miiska waxa kula fadhiy 8 ama 10 qof oo aad iska soo wada horjeedaan.Mid kasta waxa u Yaala cunto ka duwan midka kale ama la mid ah,Mid qaali ah iyo Mid jaban intaba.Kuwa soo galaya,Kuwa baxaya,Kuwa lacagta bixinaya,Mudalabka iyo Kuwa wax dalabanaya iyo Dadka wada socdaba waa la Sheekeynayaa oo Buuqa Ayaa socda.Waxase laga Yaaba in dadkaasi intooda badani ay ilaawaan in ay Cuntada Bisinka u qabtaan.Dhaqanka soomaalida ayaan ah in ay Soo galaan Hudheelada iyaga oo Sheeko u socoto,Isla markaasina 5mnts inta lagu Dhameeyo hadana laga baxo.Midba cadhoonaaya oo leh la soo Dhakhso,Midbaa laga raajinayaa,Midbaa iskala kaa hadlaya,Midba Telephone ku hadlaya,Midbaa 5mnt Meesha faraxalka  xuurto ku Qabsanaya.

Dhinaca nadaafada Qofka Cuntada sameynaaya,Meesha lagu karinaayo,Qofka mudalabka ah ee soo qaadaya Ayaa intuba ah waxyaabaha ay tahay in qofku diirada saaro ka hor inta aanu meesha wax ka cunin,Xitaa weelka wax loogu soo Ridaayo waa in uu iska eegaa.Miyaanad arkeynin Mudalabka 10 Qof mar u soo wada qaadaya Cuntada oo isa soo dulsaaraya oo Saxan kasta midka kale dabada ku hayo kuna reebaayo Uskaga.In Cuntada la isku soo Dul raseeyo Ayaan aheyn wax dhaqan ah Aduunyada kale aad ku arkeyso.

Wixii 1:30 ka danbeeya Hudheelo badan waxaad ugu tageysaa Baasto ama Cuntooyin Mar danbe lagu shubey oo aan Bislaan caafimaadka qofkana aan u wanaagsaneyn,Baasto weli adag oo aan wada Bislaan Ayaa lagu soo Ridayaa.Maxaa Yeelay waxa la doonayaa in ilaa 3 Laga helo Qado ama qofkii cunto u baahda.Karinta Cuntooyinkeenana weli wax Dheerad ahi kuma soo Kordhin,Inta badan Waa hilibkii,Bariiskii,Baastadii iyo Laxooxdii,Beer habeenkii la cuno intaasi Ayaa rag ku dhasheen,Kagana dhinteen sidii ay u cunayeen,Hase ahaate isticmaalka Kaluunka oo weliba badeena ku jira,Digaaga iyo Cuntooyinka fudud sida Burger,Shawarma,Fadiirad iwm Ayaa Meelo badan laga Cunaa.

Inkasta oo Hudheelo cusub la furo ama Maqaaxiyo si casri ah u shaqeeya lagu soo Kordhiyey wadanka,Haddana weli Hudheelo 24hrs Shaqeeya oo cunto diyaar ah laga helayaa Ma Jiraan.Wadankeenuna waxa uu ku socdaa Mid dad dhaqamo kala duwan leh soo ku soo biirayaan,Waana mida keentay in aad Aragto Hudheelo Carabtu cuntada karineyso ama iyagu wax ka soo cunayaan,Dhinnaca kalena Ethiopian Restuarants Ayaa meelo badan laga furey aad ka heli karto Noocyada kala duwan ee Cuntada ugu caansan ee Wadankaasi laga Isticmaalo.Waad Arki doonaa Chinese Food/Japanese Hutel ama American Macdonalds.

Qeybta Hore ee Qoraalkan Ayaan ku soo Koobi doonaa Dhibta ku Jirta in Cuntooyin badan Saliido,Milix iyo Sonkor ku badan laga qaadey Cuduro,Dhinaca kalena Waxyaabaha la kala amaahdo ama la isku Qoro wakhtigan waxaad Mooda in Saddexda wakhtiga ee Hudheeladu ugu badan yihiin,Raga iyo Dumarka labadaba Cuntada ku karinaaya iyo Dumarka beerka suuqa ku shiilaya intaba waa Shaqo tag halkaasi dan moodey.Waaney dhacdey in Cuntooyin dhacey ama Sharaabyo dhacey dadka laga iibiyo ama loo Kariyo.

Furashada Hudheelada casriga ah ee Five star Ayaana ka badan hudheelada kale waa Inoo Qeybta labaad ee Qoraalka haddii ilaahay Yidhaahdo.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com