Nairobi: Xaruntii Westgate Oo Dib Loo Furay

Nairobi, (SLpost)- Xarunta dukaamada Westgate ee Nairobi ayaa dib loo furay kadib markii laba sanno ka hor ay soo weerareen kooxda Alshabaab.westgate1

Dad saf galay ayaa sugayay xaflad gudoomiyaha Nairobi uu ku furay xarunta. Qof walba oo soo galayay xarunta ayaa la baadhay. Madaxaweyne Obama ayaa la filayaa inuu booqdo Kenya toddobaadka dambe.westgate

Xaflada ayaa loo arkayay inay tahay kalsooni ku soo noqotay ammaanka waddanka.

Al-shabaab ayaa qaaday dhowr weerar kadib, oo ay ka mid ahaayeen weerar ay ku qaaday Jaamacada Gaarisa oo ay ku dhinteen boqol iyo konton qof.