Nairobi: Suuqa Westgate Oo Dib Loo Furayo Maalmaha Ciidda

Nairobi, (SLpost)- Xarunta Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi, ayaa la sheegay in dib loo furi doono 18-ka bishan, waxaana dib u furistaasi ay ku soo beegmaysaa muddo labo sano ku dhow oo suuqaasi uu xidhnaa.westgate

Agaasimaha guud ee xaruntaas ganacsi Alex Trachtenberg, ayaa sheegay in dib furista Westgate ay imaanayso ka dib muddo saddex iyo labaatan bilood ah oo lagu guda jiray dib u dhiska iyo casriyeynta dhismahaas, haddana ay hawshiisii soo dhamaatay.

Wuxuu intaas ku daray maamuluhu in weerarkii lagu qaaday Suuqaas uu ka tagay khasaaro sababay burbur xoogan oo soo gaaray dhismahaas iyo mid mood iyo maalba lahaa. Isagoona intaas ku daray inay dib ugu soo dhaweynayaan Westgate dadkii ka adeegan jiray.

Taariikhda la shaaciyay in dib loo hawl-galin doono xaruntaas ganacsi, ayaa ku beegan maalinimada Sabtida ah ee soo socoto, waana maalmaha Ciida oo fasax guud ka ah waddanka Kenya.

Dib u furista suuqaas waxaa la sheegay iney la bilaabi doonaan shaqadooda xarumo ganacsi oo caan ah sida; Nakumatt, ArtCaffé iyo Ashleys oo hore ugu dhex yaallay dhismahaas.

Waxa sidoo kale iyaguna dib u uga hawl-gali doona dukaamo, Makhaayado, Goobo la isku qurxiyo, kuwo lagu qaxweeyo, meelo carruurta lagu ciyaarsiiyo iyo xarumo Madadaalo oo xarumo ku lahaa dhismaha Westgate, isla markaasna wada shaaciyay inay diyaar u yihiin sii wadida shaqadooda.

Atul Shah oo ah agaasimaha maaraynta ee Suuq weynaha Nakumatt , ayaa sheegay in shirkaddoodu ay bilaabeyso ka shaqeynta gudaha Westgate, wuxuuna intaas ku daray iney todobaadka soo socdo dhamayn doonaan dhigida iyo rakibadda qalabkooda, dhawaana ay toos u hawl-gali doonaan.

Suuqa Ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi oo weerarkii lagu qaaday bishii sagaalaad ee sanadkii 2013 ay ku dhinteen inta la og yahay 71 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen boqolaal kale, ayaa waxaa dagaal socday afar maalmood fuliyay afar nin oo la sheegay inay ka tirsanayeen ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Qaybo kamid ahaa dhismaha Westgate, ayaa la dumiyay kadib markii xoogagii qabsaday laga saari waayay muddo afar maalmood ahayd.

23 bilood kadib weerarkii Westgate Al-shabaab weli waxay sii wadaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha waddanka Kenya, iyagoon dad badan ku dilay weeraro ka dhacay gobolka Waqooyi Bari iyo Gobolka Xeebta Kenya.