NAIROBI: Ciidammada Ammaanka Kenya oo Xaafadda Islii ku toogtay Wiilal Soomaaliyeed

WIILALNairobi (SLpost)- Ciidamada Amaanka dalka Kenya, ayaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ku toogatay laba wiil oo Soomaaliyeed oo sida wararku sheegeen lagu eedeeyey inay falal budhcadnimo ka geysteen magaaladaas.

Ciidanka ammaanka ayaa soo bandhigay hub lagu soo qabtay dhalinyarada ay toogteen oo la sheegay in ay dhibaato weyn ku hayeen dadka ku nool xaafada Islii.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen kooxo isugu jira Kenyaan iyo Soomaali oo la magac baxday Super power, kuwaa soo la sheegay in ay dhac u geysan jireen dadka ku nool xaafada Islii.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku dabajoogeen dhowr bilood sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhalinyaradaas ka dibna ay toogteen.

Madaxda Soomaaliyeed ee kunool Xaafada Islii ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada in ay ka tanaasulaan falalka budhcad-nimada oo xaafaddaas ku fara-batay muddooyinkii u dambeeyey,waxayna dowladda Kenya ugu baaqeen in ay dhaqan celin u sameyso dhalinyarada.

Somalilandpostnet