Nairobi: Arrimaha lagaga Hadlay Kulan dhexmaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Dawladda  Japan

Nairobi (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaranka Somaliland Mudane Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cabdiraxmaan oo hawlo shaqo ugu maqan dalka Kenya Magaaladiisa Nairobi aya kulamo la yeeshay Wakiilka Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Japan mudane Shinjiro Amameishi & madaxa mashaariicda ee JICA, Mudane Atsushi IIJIMA.

agaasimaha iyo (2)Kulanka ayaa lagaga wada-hadlay mashaariicda horumarineed ee ay hay’adda JICA ka wado Geeska Afrika & sidii ay mashaariicdaa horumarineed ay usoo gaadhsiin lahaayeen Somaliland.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaran Mudane Cabdirashiid Ibrahim  & Gudoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Ali Ibrahim & Xildhibaanada Guddida Dhaqaalaha ee Gollaha Wakiilada JSl, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Nairobi u qaybsanaha Dhaqaalaha & Gacansiga ee Safaarada Shiinaha ee dalka Kenya, magaalada Nairobi.

agaasimaha iyo (3)Waxaa sidoo kale waftigu kulan la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Somaliland iyo Xildhibaanada Baarlamanka Kenya ee laga soo doorto Gaarisa & Wajiir.

agaasimaha iyo (1)Sidoo kale kulan la yeeshay Hay’adda Tabarucayaasha ee Qaramada Midoobay (United Nations Volunteers), si dhalin yarada Somaliland loogu helo fursado ay dalkooda iyo kuwa Afrikaba ay wax ka tari karaan isla markaana ay fursado ay ku tabo bartaan uga heli lahaayeen hay’adaasi.