Nafteyduun-bay Ilaa Xantaan! – W/Q: Mustafe Janaale ~ Q.3aad

Qeybtana waxaan idinku soo gudbinaynaa qeybtii 3aad ee taxanaha sheekadeeni uu ciwaankeedu ahaa “Nafteyduun-bay Ilaa Xantaan”.
Sidaas ayey ku kala anbabaxeen Nuur-qurba-joog iyo Oday Faarax iyo Ducaalihii la socdayba, iyaga oo aan calool fiicnaan ku kala tagin, hase ahaate markii ay ka tageen Odayaashu waxa uu Nuur-qurba-joog sii hibanayey hadalo dhex maray oo uu isagu dhibsaday.
Hasayeeshe ninkii Nuur-qurba-joog waxa uu muddo kadib u golle fadhiistey gabadh la yidhaahdo “HANNA” oo aad u jeclayd inay mar uun qurbaha tagto, taas oo ay is-jeclaayeen Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa la odhan jirey ‘KADARE”, dabadeed Nuur-qurba-joog iyo inantii la odhan jirey Hanna waxa dhexmaray haasaawe sidii caadadu ahayd, waxaanu inanta qalbigeeda ku hantey, kadib markii uu u sheegay inuu yahay qurba-joog fasixiisiina ka soo dhawaaday haddii uu guursadana uu dhoofin doono, balse waxa uu ka qariyey inuu bagadh kale leeyahay oo uu kaga yimid qurbaha.
Intaas kadib ninkii Nuur gabadhii uu u fadhiistey oo waa la siiyey, si degdegana wuu u aqal galay oo fasixi ayaa ka soo dhawaaday,halka ‘KADARE’oo ahaa wiilkii ay gabadha is-jeclaayeen wuu ku war-helay arooskeedi.
Akhristayaal haddii aan halkaas idiin fasiro ninkii la odhan jirey ‘KADARE’ wuu qalbi-jabay, kadib markii gabadhii ay isjeclaayeen ee la odhan jirey ‘HANNA’ la guursaday waxaanu go’aansaday oo ay danni ka maaran-siin weyday  inuu u tahriibo waddamada reer galbeedka si uu isna u soo noqdo ‘Qurba-joog’.
Ninkii Nuur-qurba-joog waxa uu dib ugu noqday Cariga Ingiriiska,Isla markuu cagaha dhigay Magaalada London waxa uu la kulmay iyada oo ay baddu kacsan tahay oo ay cirkaas mareyso xaaskiisi hore oo muddadaa ay isqabeen kala soo dabaalatey dhib iyo rafaad baddan, waxaana Nuur iyo Xaaskiisi ‘Khadiija’ dhexmarey Khilaaf ba’an oo gaadhay gacan ka hadal,taas oo Khadiiji garaacday Numberka ciidanka booliska ee 999, in yar kadib waxa si degdega u soo gaadhay Ciidankii booliska ee ay dalbatey Khadiiji, waxaanay Nuur oo aan nasaninba u taxaabeen Xabsiga.
Waxaana lagu soo eedeeyey inuu isku day dil kula kacay xaaskiisa,iyada oo waddamada reer galbeedka ah, gaar ahaan waddamada Yurub uu ka yaalo sharci qofka danbigaa lagu eedeyaa uu la mid yahay qof dil sameeyey oo kale, Waxaanay si degdega markiiba ugu xidheen Katiinad iyada oo loo sheegay in Maxkamad la soo taagi doono.
Kadib markii uu muddo xidhnaa Nuur-qurba-joog ayaa waxa ogaaday Jaaliyadii qurba-jooga iyo saaxibadiisi, iyaga oo is-weydiinaya goorta uu ka soo noqday safarkiisi Somaliland? Iyo waxa keenay in la xidho? .
Madaxdii Jaaliyada ayaa waxay Nuur-qurba-joog ku booqdeen Xabsigii uu ku xidhnaa, waxaanay si dhab ah u ogaadeen waxa lagu soo xidhay Nuur iyo inay Xaaskiisi Khadiiji ashkateysay,kadibna waxay u yimaadeen xaaskiisi Khadiija iyaga oo ka warsanaya wixii ay isku qabteen odaygeeda, maadama ay tahay qofka kaliya ee soo deyn karaya.
Waxaanay yimaadeen aqalkii, dabadeedna way fadhiisteen waxaanay u yeedheen Khadiija si ay u wareystaan waxa dhacay.! Waxaanay Khadiihi ugu jawaabtey hadalo u eeg macno jees-jees oo kale ah oo ay ka mid yihiin “Maana ogba”, “Warkiisaba maana haya” iyo waxyaalo la mid ah. Iyada oo aanay Khadiiji ninkaasi ku qaabilin weji furan, maadama ay ragga ka mid yihiin rag xigtadiisa ah Nuur-qurba-joog, oo ay ku tuhunsan tahay inay kula taliyeen inuu guursado. Isku soo uruuriyo markii ay nimankii fahmi-waayeen Khadiija way isaga tageen, waxaanay ku baaqeen inay Jaaliyadu si degdega isugu timaado si loo helo dhaqaale lacageed oo loogu qabto looyar u dooda Nuur-qurba-joog iyo in la helo rag xadhigeeda ah Khadiija oo ka barya inay Xaajigeeda Nuur soo deyso. Hasayeeshe intii hawlahaasi lagu jirey ayaa waxay gaadhay muddo bil iyo dheeraada, halkaas oo ay aakhirkii Khadiiji ogolaatey in la soo daayo Nuur-qurba-joog, balse iyada oo ku xidhay soo dayntiisa laba shuruudood oo kala ah: inuu gabadhaa uu soo guursaday uu si degdega u furo, ama iyada iuu warqadeeda siiyo.!
Taas oo ku khasabtey raggii dhexdhexaadka ahaa inay aqbalaan codsigeedda Khadiija, maadaama aanay jirin xal kale oo ay ku soo deyn karaan.
La Socda qeybta Afraad ee Sheekadan…
Mustafe-Jannaale
2Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com