‘Nafteyduun-bay Ilaa Xantaan!’- Qeybtii 7aad – W/Q: Weriye Mustafe-Jannaale

Akhristayaal waxaanu qeybtan idinku soo gudbin doona qeybtii 7aad ee taxanaha Sheekadeeni ciwaankeedu ahaa “Nafteyduun-bay Ilaa Xantaan” oo uu qorey Weriye Mustafe-Jannaale, waxaanay ku bilaabmaysa sidan:

Intaas kadib waxa hadalkii la wareegay Nuur-qurba-joog, oo si aad ah u cadheysan,waxaanu yidhi: ‘Waxaan ka codsanaayaa qoladan martida ah ee na soo booqatey, inay iga qanciyaan oo ay Axmed ii weydiiyaa sababta uu igu weeraray oo uu meel fagaare ah igaga yidhi hadalo aan u arko inay yihiin meel ka dhac iyo deel-qaaf, intaa markii uu yidhi oo aanay wax jawaab ah ka bixinin qoladii martida ahayd, ayaa waxa hadalkii la wareegay guddoomiyihii jaaliyadda waxaanu yidhi “Nuuroow wax khalad ah oo lagu yidhi ma jirto, haddii aad wax tabateyna waa tii uu xaalka ka bixiyey ninkii odayga ahaa ee ka mid ahaa qoladan inoo timid, nimankuna waxa weeye marti inoo timid maha haboona in loogu gar dhigto halkan aynu joogno, maadama ay ina soo booqdeen.

Intaas waxa uu ku darey isaga oo doonaya inuu Nuur-qurba-joog qanciyo, sidaad og tahay waxa inoo yaala hawlo culus oo debed iyo gudaba leh, dhamaantoodba adiga kugu saabsan yihiin,dabadeed Nuur-qurba-joog ayaa yidhi, isaga oo aad moodo inuu ka yara gaws qabsanayo qolada Jaaliyada ah maadama ay arrintiisi gacanta ku hayaan, isla markaana aanay jirin meel kale oo uu ula-ciirsado arrimaha isaga heysta ayaa inta uu cadhadii isku celiyey ayaa waxa uu si qabow u yidhi bal horta ninkan Axmed waxaad ii su’ashaan laba gar-naqsan maaye.

Dabadeed waxa jawaabay ninkii Axmed oo ah nin reer Magaala oo furfuran oo kaftan baddan waxaanu ku maahmaahay tix yar oo Gabaya, waxaanu yidhi

Waa laga filayayee

Ninkii Fadal Miyuu Waashay

Taas oo markii ay afkiisa ka soo baxday jaanta la wadhay ama la qoslay, Waxaanu Axmed hadalka uu yidhi macnihiisu u dhacayaa waar ninkii Nuur-qurbajoog miyuu waashay, taas waxa xigay isla markiiba ninkii Nuur ayaa si degdega u sare kacay, waxaanu ka la booday quraarad hortaalay oo uu sharaab ka cabay si uu madaxa ugu kala jeexo ninkii Axmed, hasayeeshe arrintaasi may suurtagelin waxa markiiba isku duubay qaar ka mid ah raggii golaha fadhiyey, iyada oo lagu boobay ninkii Nuur-qurba-joog canaan iyo gacan-saar dhirbaaxa ah, taas oo keentey u  qaadan ku dhacay dadkii golaha fadhiyey, shaki kuma jiro in buuq iyo sawaxan laxaad lehi ka dhex qarxay raggii madasha fadhiyey, oo qaarkood uu kala gaadhay gacan ka hadal, iyada oo ay sabab u ahayd qaar doonayey inay gacanta saaraan Nuur-qurbajoog iyo qaar u arkayey in qoladan doonaysay inay gacanta saarto Nuur ay ujeedo kale leeyihiin.

Intaa kadib, waxa Nuur la geeyey qeyb kale oo ka mid ah Guriga oo aanay ciddina fadhiyin oo ay la joogeen niman ka mid ah raggii marfishka iyo qaar ka mid ah saaxibadiisa ay isku dhadhow yihiin, kuwaas oo canaan iyo caqli celin ku waaninaya Nuur-qurbajoog, halka ay dhinaca kalena ilaalinayaan inuu ka fara baxsado oo uu mar labaad la dagaalamo ninkii Axmed iyo raggii kale ee martida ku ahaa meesha,Intaas kadib waxa dhacday in qoladii martida ahayd ay si degdega uga baxaan goobtii ay ku sugnaayeen si uu u dego xaalada amaan-darro ee madasha ka soo cusboonaatey.

Hasayeeshe, taasi waxay kaga kuluuleyd Nuur-qurbajoog Dab la shiday oo kale, isaga oo u arkaaya in laga sii daayey rag uu wax dhimaale weyn ka tirsanayo,Intaa kadib waxa  Nuur-qurba-joog dib loogu soo celiyey ama uu soo fadhiistey goobtii uu markii hore dagaalku ka dhacay, iyada oo wakhtiga jewiga guud ee Marfishku uu yahay  mid aad u qasan oo weliba ragii meesha fadhiyey uu ka dhex socdo murankii ka bilaabmay lad-qabada Nuur-qurbajoog oo qaarba si u arkeen, hasayeeshe ay si isku mida wada doonayeen, taas oo ah in Nuur-qurbajoog sameeyey qalad aad u weyn.

Intaa kadib, ayaa waxa hadlay oo jalaska u garaacay guddoomiyihii golaha waxaanu yidhi ha la aamuso, dabadeedna waa la aamusay waxaanu yidhi ‘Niman-yahoow sadex arrimood ayaa meesha ka dhacay, midi waa Nuur iyo ninkii Axmed ee dagaalku dhexmarey, midna waxa weeyaan murankan idinka dhex socda midna waxa weeyaan waxa aynu ka yeelayno Nuur-qurbajoog.

Dagaalkii ka dhex dhacay Nuur iyo Axmedoo waxa weeyaan Nuur dhamaanteenba uu ina madax goostey, sharafteeniina dhulka ayuu jiiday ee ma jirto nin gaar wax loogu dhimaye ee waa ceeb ina soo wada gaadhay. Midna waa murankan idinka dhex socdoo oo dhamaanteen-ba waxaynu doonaynay inaynu wax hagaajino oo is faham la’aan ayaa idinku dhacday ee Shaydaanka iska Naara.

Ta sadexaadna waxa weeyaan wixii aynu Nuur ka yeeli lahayn inaynu is-weydiino.Intaa kadib ayaa nin kale gacanta taagay dabadeedna waxa loo fasaxay hadalkii waxaanu yidhi “Guddoomiye arrinta Nuur ee aynu ka hadlaynaa ee aad leedahay wax ha la iska weydiiyo sida aynu ka yeelayno ma arrimihii hore isaga iyo Xaasaskiisi u dhaxeeyeybaa mise waatan meesha ka dhacday? Haddii ay tahay arrimihii hore yeynaan u kala tagin, haddii ay tahay tan imika dhacdayna dib inoogu dhiga.!

La soco qeybta 8aad ee sheekadan

 

Mustafe-Jannaale

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com