NAFTAADA RUNTA U SHEEG BEENNA HA KU MAAWEELIN

Bini-aadmiga Ilahay abuuray waxa uu ku kala gadisan yahay waxkasta oo Nolosha iyo Dabeecada ku saabsan ,sida aynu u kala wajiyada duwanahay ayaynu u kala dabeecad iyo aragti duwanahay ,Qofkastana Ilahay csw waxa uu siiyay Dabecad iyo dhaqan gooniya ,waa ay adag tahay in Qofna uu iska badalo amma uu u dhaqmo sidii Allaah uu ugu talagalay si aan ahayn .

DULQAADKA.

Waxyabaha ugu wanaagsan ee Qof lagu qiimeeyo sharaf tiisana dhisa waxaa ka mid ah dulqaadka,waana laf dhabarta isdhex galka bulshada waana mida kaliya ee lagu qiimayn karo wanaga qofka , taasi oo aan Lacag lagu heli karin balse ah Hadyad Ilahay uu bixiyo .

Dulqaad in aad yeelataa waxay kuu hor seedi kartaa inaad nolosha guulo badan ka gaadho ,Dulqaad inaad yeelan waydaa waxa ay kugu hogamisa Guuldaroyin farabadan ,marba inta dulqaadkagu yahay ayay guushaduna ay tahay.

Ogsonow qofba qofka u ka dabeecad wanaagsan yahay ayuu ka dul qaad iyo xigmad badan yahay , ha noqonin qof waxkastaba ay dhibaan amma ay damqaan. waxaa muhiim ah in markasta in aad yeelato Dulqaad buuxa waana wadooyinka horu marka lagu gaadho mid ka mida .

Gabaygii Allah haw naxariistee C/lahi Suldan Timacade waxa ku jiray :-

Shin kastood daleed uga baxdood nabar isdiidsiiso-Dibnahagu shaygay bartaan waad ku dayata

SHAQADA IYO DOORKEDA.

Si aanay nafteenu u gelin cidhiidhi iyo caqabado adag waa inaynu iska ilaalinaa wax kasta oo nafteena cidhiidhi gelinaya una keenaya murugo iyo walbahaar, isla markaana kicinaya dareenkeena. Si haddaba aynu taasi u samayno , waa inaynu kalsooni buuxda ku qabnaa heerka aynu bulshada kaga jiro, iyo kaalinta aynu ku leenahay xagga nolosha iyo shaqooyin keenaba.

Shaqo kasta inta adan bilaabin samayso Xirfado aad ku shaqaysato adiga oo aan isku koobayn hal Xirfad oo kaliya ,hadii aad tahay Qof bartay Xirfado badan waa aad ka janis badan tahay Qof bartay Hal xirfad oo kaliya ,hadaynu Somali nahayna waxaa dhaqan iyo caado inoo ah in qofkastaa uu yaqaano hal Xirfad oo kaliya , taasi oo keentay in markasta ay badato shaqo la’aantu ,inkastoo ay jirto Somalida dhex deeda xataa dad aan lahayn wax Xirfada oo ay ku shaqaystaan.

Shaqo kasta oo aad hayso waa in aad ku faraxsanataa , xataa haddii aanad adigu dooran ee cidi kuu doortay waa in ay ahataa mid uun ku farax galisa oo anad niyada ka necbayn ,waayo shaqo kasta amma hawlkasta oo aad qabataa oo anad xiiso iyo kalgacal anad u haynin waxa ay noqonaysaa mid kuu daalisa oo aan horumar laga gaadhin.

Waligaa iska ilaali in aan ka shaqayso shaqo anad garanayn aqoonteedana anad layahayn, taasi waxa ay kuu keenaysaa in aad ka niyad jabto ,karahdo,ciil iyo cadho ay kugu disho shaqqo oo dhanna ay ku nacsiiso ,dadkuna ay kuu arkaan Qof ma shaqaysta ah .

Markasta Maskaxdada ku hay ogowna in ay Noloshu u bahan tahay halgan culus ,ku tala gal in Halgan kasta oo aad gashaa ay dhici karto in aanu guulaysan waayo Nolosha waxaa Mamula Ilahay csw ,Guulkasta oo aad higsanaysana waxaa garab cararaysa Guul-darro Ilahay haynaga salamad yeelee.

Maskaxdada ku hay Qof aan aqoon lahayn ayuu Rabbi wax siinayaa kana dhigayaa Qof Hodana (Maalqabeen) isla markaasi Mid aqoonle ayaa waxba aan helayn markaasa loogu yeedhayaa Hebelkii Faqiirka ahaa (Caydha-ahaa)

Si aad u gaadho Goolka aad higsanayso,waliga naftada ka ilaali in anad Been iyo waxaan jirin ku maaweliso naftada , markasta runta farta kasaar una diid khiyaliga iyo ismacashiiska iyo is-nacasaynta .

Iska ilaali in aad Maskaxdaada ku mashquuliso Hebel iyo Heblaayo waxba may haysan jirin oo Faqiir ayay ahayeen ,ha ilaabin in Ilahay csw isagu uu Dadka Risiqa u Qaybiyo isla markana Qofna aanu dhalan isaga oo Labada Gacmood Aduun ku sita .

Culays Naftada ha ku saarin in aad si dhakhsa u noqoto Qof Maal qabeen ah , lakiin Naftaada culays ku saar sidii aad u noqon lahayd Qof Cebaado badan oo Alla ka cabsi badan ,sababta oo ah waa laynagu adoonsaday Cibadada .

HADALKA WANAGSAN.

Nabigeenu csw waxa uu inoo sheegay in Hadalka wanaagsani uu yahay sadaqad,balse waxa uu kasoo baxaa Qalbi caafimaad qaba, waana shayga ay ummaddu maanta tabayso inay maqasho oo ay ku caano maasho .

Hadalka wanaagsani waa weedh si sahlan Dibnaheena uga soo baxaysa oo aan inooga baahnayn tamar iyo taag farabadan,waxaa laga yaba in Qof aad bari hore aad hadal wanaagsan ku tidhi in uu xasuusan yahay Sanado aad u badan ixtiramna kuugu hayo ,sidoo kale Qof aad hadal xun ku tidhi in isna uu xasuusan yahay wakhti aad u dheer agtiisana anad qiimo ka lahayn .

GABAYGII ABWAAN HADRAAWI WAXAA KA MID AHAA :-

Hadalkana sar weedhiisa Una saaf qofkii waaya
Ha ka tegin sarbeebtiisa Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa Runta sogordoh haw yeelin
Ha suldaarin dooddiisa Sisibaa wadaaggiisa
Sababee abbaartaada Hana badin su’aashiisa
Sarrifkiyo tilmaantiisa Saddex erey halkii dooni
Soddon yaanay kaa qaadan Siddi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda Gacantana ha saydh-saydhin
Hana odhan wax sawliila

KIBIRKA IYO ISLA WAYNIDA

Iska Ilaali Kibirka iyo isla wayniida , waxay koow ka tahay waxyabaha kaa fogeeya Qofkasta oo ku yaqaana iyo Qofkasata oo an ku aqoon doonayana in uu ku barto ,ma jeclid adiguba in lagugu Kibro .

Marka la joogo shirarka iyo goobaha Aqoon is-waydaarsiga amma kaftanka , isku day inaad tixkalin siiso fikradaha iyo dareenka asxaabta ,xataa hadaad u aragto in ay qaldan yihiin, ku dadaal in aad u saxdo si taxadarle adiga oo aan aqoontisa waxba ka sheegayn.

Ha noqonin Qof su’aal kasta oo la waydiiyo jecel in uu si dagdaga uga jawaabo xataa haduu garanayo ,balse ka fikir su’aasha lagu waydiiyay baxada ay leedahay iyo in aad u hesho Jawaab ku haboon,adiga oo aan ka tagayn Halku dhigii ahaa Cilmiga badhkii waa ma aqaano.

Waligaa ha noqon mid waxkasta ka eega dhinaca xun ,iskana jir in aad ku sifowda in ad noqoto mid markasta wax dhaliila ,waayo dhaliisha badan dadku waa uu isku nacaa mana jecla ,hadii aad doonayso in dadku ay markasta ku dhagaystaan ku dadaal in aad noqoto mid isaguna markiisa si fiican dadka u dhagaysta ,ha noqonin mid hadalkasta dhex roora ee noqo qof hadalka dhuuxa oo u dhug yeesha .

Waligaa ha noqonin mid jecel in uu markasta ka ag dhawaado Dadka Maal-qabeenka ah amma Madaxda ,isla markana neceb la jooga iyo la sheekaysiga dadka Danyarta ah , taasi waxa ay keenaysaa in anad dad badan kasban ,xigmaduna sideedaba waxa ay ku jirtaa dadka kala darajada ah .

SABARKA IYO FA’IIDADIISA

Arimaha aynu kasoo sheekaynay oo dhan waxaa udub dhexaad u ah Samirka loo samro dhamaan waxkasta oo Nolosha kaa hor yimaada :-

ALLAH isaga sharaf badane waxa uu yidhi :-

Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200.

W/Q Qareen /Khadar Ibrahim Aar .