NAFTAADA BARO

Qof walba waxa qiimihiisa dadnimo kor u qaada oo uu isku arkaa inuu dadka agtooda miisaan ku leeyahay, hadba inta  uu ixtiraam iyo qaddarin ka helo dadka noloshiisa muhiimka u ah. Halka aad naftaada gaadhsiisana waxa ay marwalba ku xidhantahay, hadba inta aad ka filayso inay dadka kale ku gaadhsiiyaan. Marka aad rumaysantahay in dadka agtooda aad u ku weyntahay siday kuugu fikirayaan, qadarinta iyo aqbalaadda aad u haysaana way sarraynaysaa.  Habka kaliya ee aad shakhsiyad caafimaad qabta ku gaadhi kartaana waa adiga oo fahma naftaada iyo dareenka gudahaaga.

1.     Si aad si dhab ahugu hanato naftaada ama si aad iskaga joojiso/gudubto ka
warwarka wixii hore u dhacay, waa inaad naftaada wax uga sheegtaa hal qof, sida lammaanahaaga ama saaxiib aad kuugu dhow, adiga oo u sheegaya hal mushkilad oo dhib kugu haysa, ujeeddada aad ugu sheegaysaana waxa weeyaan inaad laabtaada ka saarto oo qof kale kula wadaago.

2.     Marka aad dareenkii ku gubayay u sheegto qof kale ayuunbaad noqonaysaa qof si fiican ugu haya dhibtiisa. Haddii qofkaa kale sifiican kuu dhagaysto , kuna dhalleecayn, waxna ku odhan, waxaaf fursad u haysataa inaad ogaato qofka aad tahay iyo sababta aad u samaynayso waxa aad samaynayso.

3.     Waa inaad naftaada ku aqbashaa sida ay tahay, meelo wanaagsan iyo meelo xunba leh, meelo aad ku liidato iyo meelo aad ku fiicantahay, oo aad leedahay dhammaan astaamaha banii aadanku leeyahay.  Marka aad naftaada dib u eegto ama si fiican ugu fiirsato, waxaad ogaanaysaa inaanad marnaba sida la doonayo wada ahayn. Haddaad taa ogaatana waxaad gaadhaysaa heer aad naftaada ku qanacdo kuna kalsoonaato sida Ilaahay, (ceeb ka nasahnaaye) u abuuray.

4.     Arrin kale oo muhiim ah ayaa iyaduna waxay tahay in qofku marwalba ku dadaalo hawlkasta oo uu hayo inuu xoogga saaro wixii togan(Positive)  iskana yareeyo afkaarta taban( negative).

Haddii aad naftaada soo qaadato, ka fikir bal waxyaabaha aad hibada u leedahayee aan cid kale lahayn, sida xirfad kuu gaar ah ama shay aad kalidaa awooddo inaad samayn karto. Arrintaas oo kale waa mid kaa dhigaysa qof dadka kale arrin kaa duwan, kuuna samaynaysa guul aad leedahay, ama shaqada dhankeeda ha noqoto ama noloshaada gaarka ah ha ahaatee.

5.     Ka fikir mustaqbalkaaga waxa kuu suurtagal ah iyo in awooddaada wax qabad aanay xad lahayn. Inaad samayn karto wax kasta oo aad is tidhaahdo same iyo inaad tagi karto meel kasta oo aad doonto inaad tagto, una baahanyihiin oo kaliya inaad hadaf ka dhigato, qorshe u samayso, kolba tallaabo qaaddo, sidii aad uga dhabayn lahaydna u tafaxaydato.

 

 

C/raxmaan Claahi Warsame

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeisa Somalilaan