“Nabadd Iyo Wada-hadal Ayaa Horumar Lagu Gaadhaa, Haddii Madaxweynihii Laascaanood Iyo Buuhoodle…” Prof: Gees

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirkii hore ee Wasaaradaha arrimaha dibada iyo Maaliyada Somaliland Prof: Maxamed Siciid Gees, ayaa soo dhaweeyay wada-hadalada Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu xusay in wada-xaajoodkani ay yihiin kuwo guul u ah Somaliland.

 

 

Prof: Gees waxa kale oo uu bogaadiyay safarka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo maanta ugu kicitimay bariga Somaliland, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo magacaabista Wasiirka cusub ee arrimaha guddaha Yaasiin Faratoon.

 

 

 

“Madaxweynaha waan ku hambalyaynayaa talaabadaas waana guul Somaliland u soo hooyatay, nabadd iyo wada-hadal ayaa lagu gaadhaa horumar oo cid walba waa lala hadlayaa, Yuhuudii iyo Carabtii-baa wadahadlaysa , Gaalo iyo Muslin baa wadahadlaya inagoo is afgaranaysana maxaynu u wadahadli weynayn?, waa la wadahadlayaa. Markaa waa hambalyo , waa guul.” ayuu yidhi Prof:  Maxamed Siciid Gees oo u waramay HCTV.

 

 

 

Prof: Maxamed Siciid Gees waxa uu bogaadiyay socdaalka Madaxwene Siilaanyo ugu ambabaxay bariga Somaliland, waxaanu yidhi “Waa mid qurux badan haddii maanta Madaxweynihii Laasacaanood iyo Buuhoodle tagayo oo aanu hore u tagi jirin, dee waa guul  iyaduna, Laasqoray wuxuu tagay markii hore wuu ku horeeyay  (Madaxweynuhu). Maantana haddii uu Laasacaanood iyo Buuhoodle tago dee maanta dee Somaliland wey dhamaatay hawsheedii, cid kale oo wax u sheeganaysaa ma jirto oo cidii meel kale sheeganaysaa ha sheegato, wey fiican tahay qoladii reer bariga ahayd haddii Wasaarada daakhiliga loo dhiibay oo weli dhawr meelood oo kale ayaa noo hadhay oo aanu raadinaynaa, bahashu waa meerto waa in la soo wada maraa meel walba.” ayuu yidhi Prof: Gees

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa