Naaxi Iimaankaaaga‏ – W/Q: Xuseen Jaamac Guud-cadde

Mahad oo dhan Illaahay ayaa leh nabad gelyo iyo naxariisina Rasuulkeena korkiisa ha ahaato.
waxaynu maqalnaa had iyo goor hebel wuu naaxay marka qof uu buurnaado ama hebel koritaankiisu wuu kordhayaa, ama hebel iyo heblaayo aqoontoodaa korodhay ama naaxday.
weli ma is waydiinay iimaanku miyuu kordhaa ama naaxaa? iimaanku miyuu caatoobaa ama naaqisaa? iimaanku miyuu siyaadaa oo naaqisaa?
Jawaabtaa oo koobani waa haa IImaanku wuu naaxaa ama kordhaa iimaanku wuunaaqisaa oo caatoobaa,
Hadaba walalayaal waxaa mudan inaan falanqayno maxaa kordhiya ama naaxiya iimaanka sidoo kale maxaa naaqusa iimaanka?
Iimaanku waa shay Ilaah swt uu bixiyo wuxuu ku naaxaa wax kastaa oo Illaah jecel yahay oo aynu samayno wuxuuna ku naaqusaa wax kasta oo Illaah neceb yahay oo aynu samayno

Waxyaabaha naaxiya Iimaanka.

  • Quraanka kariimka ah akhriskiisa ku camal falkiisa iyo ku tadaburkiisa.
  • Axaadiista Rasuulkeena calayhi salaatu wasalaam oo la barto lana dhegaysto laguna camal falo.
  • Dikriga Illaahay iyo xuskiisa oo la badiyo. sida subxaan Allaah alxamdulilaah alahu akubar.
  • Saliga rasuulkeena oo la badiyo Calayhi salaatu wasalaam.
  • Salaadaha faralka ah oo lagu tukado jamaca ( waa raga).qofka salaada faralka ah ku tukada jamaca wuxuu dheeryahay dadka aan ku tukan jamaca 27 derejo salaadiiba ka soo qaad haduu qofku ku tukado 5 ta salaadood jamac wuxuu helay 5×27=135 derejo hadii uu ku tukado jamac sanad wuxuu helayaa 135×365=49275 oo derejo bal ka warama walaalayaal fadligaas intaa uu le’eg yahay waa sanadkii hadii uu qofku ku tukado jamaca 40 sano wuxuu helayaa 40×49275=1971000 oo derejo .
  • Salaadaha Sunaha Ah Oo La Tukado
  • Salaatulaylka Oo La Joogteeyo.
  • Wanaaga Oo Dadka Aad U Sheegto Xumaantana Ka Reebto.
  • Waxaa Kordhiya Iimaanka Hadalka Wanaagsan
  • Waalidka Oo Loo Samo Falo Loona Dhega Nuglaado
  • Qaraabada Oo La Xidhiidhiyo.

Maanta Halkaas Aynu Ku Joojino

Hussein Jama Guudcade.

diintuwaanasteexo1@gmail.com
diintuwaanasteexo1@yahoo.com
www.diintuwaanasteexo.blogspot.com