Naadiga Kubadda Cagta ee Goodir oo 1-0 ku suul-daaray kooxda Xiddigaha Cirka.

Kooxda Goodir ayaa  shalay 1-0 kaga badiyay kooxda  xidigaha Cirka cayaar ahayd munaasibad loogu dabaaldagayay sanadguurada ciidanka poliska Somaliland oo ka dhacday garoonka weeyn ee Hargeisa Stadium.

Cayaartan oo aad u xiisa badnaayd ayaa waxaa ka soo qaaybgalay Gudoomiyaha Naadiga Godir Saciid Ismaaciil, waxaa kaloo marti sharaf ku ahaa manta cayaaryahanadii hore ee Madbacadda Qaranka gaar ahaan Nuur Amiin iyo saaxiibkiis ka garabcayaari jiray Xassan waraabacadde(Ataroos).

Cayaartan oo aad u adkaayd qaab  cayaareedkeeduna  aay isu dhaweeyd oo labada kooxoodba aanay waxba iskula harin maadaama aay koob loo dhgay munaasibadan.

Daqiiqadii 50 aad ee qaaybtii dambe  waxaana goolkaas u dhaliyay cayaaryahanka caanka ah ee Haaybe oo nombarka 11aad uga cayaara Goodir(poliska) waxaayna cayaartii ku soo gabagaboowday 1-0 aay guushii ku raacday koobkiina hantiyay Naadiga Goodir.

Nuur Amiin oo wax laga weeydiiyay heerka kubadda cagta ee labada naadi ayaa qiray in aay soo bandhigeen cayaar aad noo raaligalisay waxaanan hubaa in hadii aay halkaa ka sii wadaan aay gaari doonan heer aay ka cayaaraan wadamada bariga iyo bartamaha waxaa kaloo uu Nuur sheegay in aay tahay markii u horeeysay ee uu yimaado Somaliland indhihiisana ku arkay heerka aay marayaan una rajeeynayo mustaqbal wanaagsan kubadda Somaliland.

 Ugu dambeeyntii waxaa koobkii gudoonsiiyay Naadiga Goodir Xassan waraabacadde oo ah rug cadaa sporti.