Muxuu Xisbiga Kulmiye ka yidhi Go’aanka UCID iyo WADDANI ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah?

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanka ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Khamiistii ku qaaddeceen diiwaangelinta Madaniga ah ee diyaarinteedu socotay dhawaanahan oo ay ku tilmaameen Shirqool iyo Khiyaamo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wadato oo ay ku doonayso inay dib loogu riixo wakhtiga diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashada si ay muddo-kordhin u hesho.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu wax lala yaabo yahay go’aanka ay Mucaaradku ku qaaddeceen diiwaangelinta Muwaaddiniinta, isla markaana aanay islahayn diidmadooda diiwaangelinta iyo dib-u-dhaca doorashada ee ay ka ordayaan.