Muxuu Xaaji Cabdi-waraabe ka yidhi in go’aankii Guurtida mid ka duwan ka soo baxo Wada-hadallada u socda Mucaaradka iyo Xukuumadda?

cabdiwaraabeHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa xukuumadda iyo Mucaaradka ugu baaqay inay xal kama dambays ah ka gaadhaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Go’aanka Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada, waxaanu soo jeediyey in laga heshiiyo isla markaan si toos ah loo abbaaro qodobka laysku hayo ee khilaafku ka taagan yahay.

Xaaji Cabdikariim oo ka hadlayey wada-xaajoodka u dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaradka oo uu ku tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa Isu-tanaasulka iyo wada-xaajoodka looga bartay Somaliland xilliyada ay yimaaddaan khilaafaadka siyaasadeed, waxa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed Somaliland cidhiidhi ku jirto xilligan, isla markaana loo baahan in xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ahi isu-tanaasulaan isla markaana heshiis ka gaadhana khilaafka jira.

“Gogosha uu madaxweynuhu mucaaradka u fidiyey wuu ku mahadsan yahay, Xisbiyada mucaaradka ee aqbalayna way mahadsan yihiin, waa dabeecaddii laynagu yaqiinnay. Muranku waa imanayaa, waase inaan lagu kala tagine, waa in la wada-hadlaa. Maantana meel cidhiidhi ah baynu maraynaa, waxaan idinku wacdidayaa si wanaagsan haloo heshiiyo oo isu tanaasula, annaguna guurti ahaan xukunka aanu ridnay mid aanu xaq u lahayn buu ahaa; in Guurtidu meesha ka baxdo iyo in qalinkeedu soo galo, labadaas uun weeyi,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariim oo maanta magaalada Hargeysa ugu warramayey telefishanka Royal.

Xaaji Cabdikariim oo ka hadlayey haddii wada-xaajoodka Xukuumadda iyo Mucaaradku laga soo saaro heshiis burinaya go’aankii Golaha Guurtida, waxa uu ku jawaabay, “Waa la heshiin doonaa, siday u dhigaan madaxweynaha iyo qoladaasi ayay u socon doontaa, annagu goynay (Go’aanka Muddo-kordhinta) oo way na dhaaftay,” Sidaas ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xuseen.

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen waxa uu sheegay inaanay beesha caalamku oggolayn madax-bannaanida iyo dowladnimadam, sidaas awgeed loo baahan yahay inaanay khilaafyada siyaasadeed waxyeelayn dhismaha dowladnimo ee Somaliland. “Caalamku ma oggola inaynu dowlad noqonno, waxba yaan laysku qarin. Iyagaa gacanta ku haya Koonfur (Soomaliya), iyagaa gacanta ku haya ictiraafkeennii. Xagga Illaahay bay ka iman doontaa kolka caalamku ina ictiraafayo, caalamku danteenna ma wado ee Illaahay baa danteenna wada, laakiin waa inaynu gobonimadeenna ilaashanaa, innagaa gacanta ku hayna oo laynoo yeedhin maayo dowladnimadeenna, wixii ina dhexmara waa inaynu hadal iyo isu-tanaasul ku dhammaysanaa, dowladdeenna raggaasaa u madax ah, madaxdeenniyeey haddaad isu tagtaan, heshiiya oo wanaajiya hadalka oo abbaara halkuu hadalku yahay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariim.

SOMALILANDPOST.NET