Muxuu Wasiir Xirsi ka yidhi Mansabka Raysal-wasaare ee Mucaaradku u Cumaamadeen?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horeysay ka hadlay eedaymo xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ugu jeediyey madaxweynaha inuu meel kaga dhacay Dastuurka dalka isla markaana uu Wasiir Xirsi ka sareysiiyey wasiirrada kale ee xukuumaddiisa.

Xisbiga Waddani ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inuu wasiirka madaxtooyada u magacaabay xilka Raysal-wasaare oo aan meel kaga qorsheyn dastuurka dalka, iyaga oo eedayntooda uga jeeday hadal uu madaxweynuhu ka sheegay kulan madaxtooyada uu Axaddii todobaadkan kula yeeshay maayarrada iyo badhasaabbada dalka, halkaas oo uu sheegay hadal hal-xidhaale ku noqday mucaaradka markii dambena fasiraaddii uga soo baxday noqotay in wasiirka madaxtooyadu hayo mansab ka sarreeya xilalka wasiirrada kale, marka laga reebo shaqooyinka uu madaxweynuhu u igmado.

Wasiir XirsiWasiirka Madaxtooyadda oo qoraal uu arrintan kaga jawaabayo ku baahiyey bog uu internetka ku leeyahay oo la yidhaahdo guusha.com, waxa uu xisbiga mucaaradka ah ku dhaliilay inay kala garan-la’yihiin wixii ay ku dhaliili lahaayeen xukuumadda.

“Haddii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqon mayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumaada khaldan aad ka samaysaan.

Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiirro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Waran-cade oo yidhi Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasiiradu isagoo uga gol leh in laba Wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,” ayuu wasiir Xirsi ku yidhi qoraalkiisa.

Waxa kale oo uu intaas kudaray, “Hadii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa ‘Wasiirka Wasiirrada’ Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn, ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno weyn lahayn,” ayuu yidhi Xirsi.

Wasiir Xirsi waxa uu mucaaridka ugu baaqay in dalku doorasho geliyo oo ay la tartamayaan xukuumadda,waxaanu yidhi, “Gebagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano wax-qabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina. Wa Bilaahi Tawfiiq.”

SOMALILANDPOST.NET