Muxuu Wasiir Xirsi ka yidhi Khilaafka Kulmiye, Hankiisa Madaxtinimo iyo inay Xukuumadda ku jiraan Xubno ka tirsan Al-Shabaab?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanay Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Siilaanyo ku jirin xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Ururro xag-jir ah toona.

IMG_0120Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu arrintaas ka hadlay mar uu maanta war-fidiyeennada ugu warramay garoonka diyaaradaha Hargeysa, ka dib markii isaga iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo xubno ka tirsan Guddiga Dhismaha waddada Ceerigaabo ay ka soo laabteen safar muddo dhowr todobaad qaatay oo ay ugu maqnaayeen dalka Maraykanka.

Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey eedayn uu Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dhawaan sheegay inay Golaha Wasiirrada ku jiraan Koox ka tirsan Urur-diimeedyo uu xag-jir ku tilmaamay iyo Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabayey mar uu galabta Warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ka soo degeen, waxa uu ku dooday inaanay jirin cid Al-Shabaab ah oo ka tirsan Xukuumadda, isla markaana cidda eedayntaas sheegtay looga fadhiyo inay caddayso.

HOOS KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET