Muxuu Wasiir Samaale ka yidhi inuu Danihiisa siyaasadeed uga faa’idaysto Booska uu joogo iyo Saamaynta Xilka Wasaaradda Maaliyaddu ku yeelan karo Hamigiisa Siyaasadeed?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa oo dadku tilmaamaan shakhsi hadba booska ama xilka dawladeed uu hayo uga faa’idaysta danihiisa siyaasadeed, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaymahaas isla markaana ay ka mid yihiin xag-xagashada uu leeyahay mansabka xileed ee uu hayo iyo mucaaradadda uu fili karo qof kasta oo hami siyaasadeed leh inuu kala kulmi karo qaybaha kala duwan ee bulshada.

SamaaleWasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Xog-waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Weriye Maxamuud Cali Walaaleeye oo ka tirsan Bahda Himilo Media Group, waxa kale oo uu ka hadlay jiritaanka saamayn taban ama togan oo xilka Wasaaradda Maaliyaddu ku yeelan karo hamigiisa siyaasadeed ee ah inuu ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya ee looga taliyo dalka oo uu hore u shaaciyey inuu hankiisa ku jiro, wax-qabadka Xukuumadda uu ka tirsan yahay muddada afarta sanno iyo dheeraadka ah ee ay xilka haysay umadda u qabatay, dhaliilaha mucaaradku u jeediyaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka midka yahay, saamaynta korodhka takaaliifta miisaaniyaddu ku yeelan karaan Qiimaha Maceeshadaha ganacsada iyo qodobbo kale oo xiiso badan.

Waraysiga Weriye Walaaleeye la yeeshay Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Samaale oo aad u dheeraa, waxa kale oo wasiirku kaga hadlay Qorshe xukuumaddu ugu talo-gashay in lagaga faa’idayto biyaha roobka ee badda ku darsama, kaas oo uu sheegay in dhaqaalaha lagu fulinayaa ku jiro Odoroska miisaaniyadda 2015 oo wakhtigan hortaala Golaha Wakiillada oo laga sugayo inay ansixiyaan.

Waraysiga wariyuhu la yeeshay Wasiirka Maaliyadda, ayaa u dhacay sidan:-

S: Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan in odoroska miisaaniyadda sannadka dambe ay soo wada xeroon doonto?

Miisaaniyadda sannad walba marka la qorsheynayo waxa aasaas u ah odoros iyo malo-awaal, adigoo markaa sannadkii dhamaaday ama kaaad ku jirtana ka shidaal qaadanaya sida wax u soo baxeen, haddana, Illaahay mahadii, muddadii xukuumadda Axmed Siilanyo talada dalka haysay sannad walba miisaaniyaduhu sidii aanu u odorosnay ayey u soo baxayeen, inta badan. Rejada aan ka qabno odoroska miisaaniyadda sannadka 2015-na waa boqolkiiba boqol, waxaan filaynaa inagoo Ilaahay iskuxidhayna inay soo bixi doonto haddii Ilaah yidhaahdo, sida tan sannadkan 2014 u soo baxday.

S: Sannad walba, korodh miisaaniyadeed ayaad samaysaan, halkuu ka yimaaddaa korodhkaasi? Mase jirtaa digtooni aad ka qabtaan inaan korodhka takaaliiftu sicir-barar ku keenin maceeshadda bulshada?

Inta badan korodhsiimo kuma samayno cashuuraha dadka laga qaado, mararka qaarkood hoos ayaan u dhignaa waxyaabaha qaarkood, markaanu ogaano isbeddellada suuqa ku yimaada, alaabada dibedda ka timaada qiimaha ay ka joogto iyo halkan inta ay ka joogto markay isbeddelaan, hoos baaban u dhignaa. Haba yaraatee, ma jeclin inaan wax dhibaato ku keenaya bulshada hadday tahay maceeshadooda iyo hadday tahay noloshooda dhacdo, aad iyo aad ayaan uga digtoonnahay. Korodhka miisaaniyadda dadweynaha iyo tujaarta cashuurta bixiya ayaa sababteeda leh, oo si hagarla’aan ah u bixiya, markay fahmeen in cashuurta laga qaadayo dalkooda iyo iyaga wax loogu qabanayo. Waxay dadweynahu si dhab ah u arkeen cashuurta ay bixinayaan hadii awel la lunsan jiray oo ciddi xaddi jirtay maanta wax loogu qabanayo. Waxaanu soo iibinay waxkastoo dalka waxtaraya, sida cagafyadii, alaabtii kaluumaysiga iyo mishiinadii aanu soo iibinay, iyo laashashkii aanu soo iibinay. Waxyaalo badan oon u qabanay wasaaradaha, sida Beeraha iyo Deegaanka iyo wasaaradaha kale, sida macalimiinta iyo dhakhaatiirta ka hawlgala iskuulada iyo dhakhaatiirta dalka, waxay dareemeen in lacagtoodii ay gashay dhismaha iyo Qaranimmada dalka, sida wasaarado badan oo guryo kiro ah ku jiray ama guryo dunsan ku jiray oo maanta guryo dawladeed oo qarankani iyo ummadani ay leedahay oo hanti shaqsi aan noqonayn ee hanti ummadeed ah runtii loo sameeyey. Waxay ummadu aragtay waddooyinka la yaabka leh. Waxqabadkaa bulshada indhahoodu qabteen, qalbigooda soo jiitay, oo sababay inay cashuurta si wanaagsan u bixiyaan, miisaaniyaduna ku korodhay.

S: Ma jiraa nidaam loo raaco qaabka miisaaniyadaha loogu qoondeeyo wasaaradaha, iyo wasaaraddo idiinku suntan halbowle wax-soo-saar?

Haa, wasaaradaha sannad walba laba bilood ilaa saddex bilood ayaa falanqeyntood aiyo dooda miisaaniyadoodu socotaa, waad la socoteen bishii July ayaan bilownay, July, August iyo September way socotay oo doodeeda ayaa lagu jiray, September bilowgeediina Gollaha Wasiirada ayaan geynay, gollaha wasiiradu way ansixiyeen, miisaaniyadaasi waxay hortaala gollaha wakiilada, immika bil ku dhowaad 11 September ayey tagtay gollaha Wakiiladda, maanta waxaynu ku jirnaa 5ta November, gollaha wakiiladd ayey miisaaniyadaasi hortaala. Miisaaniyadda wadaxaajood ayaan ka galaa wasaaradaha iyo hay’adaha kale Qaranka, doodbaa laga yeeshaa, siyaasad (Policy) ayaa loo raacaa, hadday tahay horumarinta, hadday tahay mushaharaadka, hadday tahay qeybaha kala duwan, sannad walba waxaan eegnaa wasaarad walba baahideeda. Sannad walba waxaan eegnaa maxaa sannadkan horumarin geli kara, maxaa dhismeyaal geli kara, halkaa, wasaaradee ayey baahideeda in waxlaga qabto sannadkan mudan tahay iyo wax la mid ah.

Runtii muhiimadda (Priority) inta ugu badan dalka miisaaniyadiisa arrimaha amniga la xidhiidha ayaa ah, ama ha noqoto ciidamadeena kala duwan ama saanadooda-e, inta badan maadama aynu ku noolnahay degannahay mandaqad aad iyo aad xasiloonidoodu u adag tahay, waa in nabadgelyadda iyo xuduudaha dalkeena si weyn loo sugo oo amniga gudaha aad loo ilaaliyo. Markaa waxbadan oo ka mid ah waxay galaan ammniga dalka, miisaaniyadda qadarka ugu badan marka qeybqeyb loo xisaabiyo amminga dalkaa ugu mudan, waxii inta aka dambeeya, wasaaradaha kale runtii halbowlaha ah, kana mid yihiin Wasaarada Waxbarashada, Caafimaadka, ay ka mid yihiin wasaaradaha kale iyaguna badan ee kuwa horumarka ah, sida Deegaanka, Beeraha, Xanaanadda Xoolaha, yacni wasaarado badanu runtii, wasaarad walba baahideeda gaarka ah, waxaan eegnaa wasaarad walba ee gurri kiro ah ku jirtay ama iyaduba dunsanayd sidii dhismo cusub loogu dhisi lahaa, markaa sannad walba muhiimada wasaaradaha ayaan eegnaa. Sannadka 2015-kana meelaha aanu diirada saarnay ee qorshaha noogu jira waxa kow ka ah ammniga dalka iyo saanadda, laba, waxaan mudnaan siinay oo si weyn uga muuqata arrimaha doorashooyinka, sannadka 2015 waa sannad doorasho, markaa doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha labadaba miisaaniyadoodii iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, qadarka kaga soo hagaagaya dawladda, inkastoo Qaadhaan-bixiyeyaasha naga caawin doonaan ayaa iyaduna mudnaanta koowaad ah, meelo kaloo badan oo mudnaanta koowaad aanu siinay oo wasaaradaha aan hadda tilmaamay iyaduna way jirtaa.

S: Wasiir, maxaad ka odhan lahayd jiritaanka wasaarado iyo wasiirro niyadjab ka qaaday qaabka laysaga indho-tiray qorshayaashoodii wax-qabad kuna dhow inay gebi ahaanba joojiyaan la-macaamilka Wasaaradda Maaliyadda?

Ma hayo warkaa. Haba yaraatee, wasaaradaha qaranku wasaaradda Maaliyadda way u siman yihiin, wasaaradahu dood ayaan halkan ku gala ku saabsan miisaaniyadda, marka dambena gollaha wasiirada iyadoo wasiiradu fadhiyaan ayaa laga doodaa, halkaa ayuu qof walba doodiisa ka jeediyaa, dabadeedna gollaha wasiiradd ayaa ansixiya. Waxa dhab ah miisaaniyadeenu si kastoo ay u korodho haddana in baahideenu ka badan tahay, oo baahida qarankani qabo aanay miisaanyadda marnaba ku filnayn, lakiin waad la socotaa kor-u-kac, haddaynu ka soo qaadnay miisaaniyadeena 47 Milyan, oo wasaaradaha 47 Milyan loo qeybin jiray, maantana 180 Milyan tahay miisaaniyada xukuumadu tahay, ta dawladuna tahay 212 Milyan Dollar, farqiga intaa le’eg ee u dhexeeya waad arkaysaa, wasaarad aan miisaaniyadeenu kordhina ma jirto, waad samayn kartaa isbarbardhig wasaarad walba miisaaniyadeedu siduu ahaan jiray sannadihii 2010 intii ka horeysay iyo inta xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo hogaaminayo miisaaniyadeedu siduu yahay. Waa dhab in wasaaraduhu kala miisaaniyad badan yihiin, waxaanay u kala miisaaniyad badnaanayaan shaqooyinka ay hayaan, tusaale ciidanka Qaranka, wasaarada Gaashaandhiga iyo ciidanka Asluubtu wasaarado badan ayey ka miisaaniyad badan yihiin, markaad miisaaniyada eegto arrimaha ammniga iyo waxa ka shaqeynaya, wasaaradda waxbarashada iyo caafimaadka sidaa si la mid ah, kumanaan shaqaale ah ayey wasaarada waxbarashada macalimiin u ah, dugsiyadii hoose/dhexe ayaa bilaash laga dhigay, markaa intaa oo macalim iyo iskuuladii oo ciida ka batay miisaaniyadoodu wuu ka badanayaa wasaaradaha kale, ee iyagu shaqaalaha intaa le’eg aan haysanin. Markaa runtii wasaaraduhu miisaaniyadoodu way kala duwan yihiin, waxaanay u kala duwanaanayaan shaqooyinka ay hayaan, laakiin wasaarad walba waxay mabsuud ku tahay ama raali ku tahay waxa macquulka ah ee miisaaniyadda uga go’a ama ka soo gaadha.

Waxaanu ku faraxsan nahay runtii oo guul weyn noo ah inaanu derejadii ciidanka samaynay oo Madaxweynahu bixiyey, oo wasaaradda maaliyaduna miisaaniyadda ku dartay oo maanta askari walba iyo sarkaal walba oo ciidankeena ka tirsan derejadaa uu sito ee sharaf iyo qiimaha u yeeshay mushaharna ay ku qaadanayaan. Waxa wax lagu farxo oo sharaf ah E-Passport-ka oo hirgalay, waxa sharaf weyn ah intaa oo mashruuc oo hirgashay, wasaarado kala duwna ayaa hawshaa qabanaya, wasaarada waxbarashadaa qeyb leh, wasaarada Daakhiligaa qeyb leh, laanta socdaalka (immigration-ka leh, wasaarada maaliyaddu lacagtii waxaa lagu fulinayey ayey hirgelisay, laakiin horumarkaa aynu immika ka hadlayno intooda badan, wasaaradda kaluumaysiga u tag, Horumarinta Reer-miga, Xanaanada Xoolaha, wasaarada Beeraha, wasaaradahaasi mid walba hawl la taaban karo ayey qabatay. Waad ogeydeen 10 cagaf ayaan soo dejinay markii koowaad Somaliland oo wasaaradda beerahu haysato, oo dadkeena wax ugu qabanaysaa.

S: Wasiir Caqabad iyo inay Ku caawinayso, midkee ayaad u aragtaa in xilkaaga wasaaradda Maaliyaddu u leeyahay hamigaaga siyaasadeed ee mustaqbalka?

Runtii, wasaaradda maaliyaddu waa mid aad iyo aad u culus, waxaan ilaahay ugu mahadnaqayaa anniga iyo saaxiibadayda aanu wasaarada wada joogno ee saaxiibkay wasiiru-dawlaha Cadaani ka mid yahay, agaasimaha Guud, shaqaalaha wasaarada iyo saraakiisha wasaaradu ka mid yihiin ee kastamada iyo meel walba jooga ka mid yihiin sida Ilaahay noogu garabgalay ee xilka qaran een hayno noogu fududeeyey, Ilaahay subxaanu-wa-tacaalaa ayana ugu mahadnaqaynaa. Waa wax Ilaahay loogu mahadnaqo, ummada dhanee nala shaqaysay ee hawshaa nala hirgelisay ee hawshaa nala qabatay, hadday yihiin wasaaradda maaliyadda, hadday yihiin shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha kale ee xidhiidhka wax-soo-saarka nala wadaaga, hadday tahay madaxda qaranka ee kala duwan, wasiirada nala shaqeeya, hadday tahay ummada canshuurta bixinaysa dhamaantood mahad baan uga celinaynaa. Waxaanay tanni daliil u tahay in ummadu dhinac u wada jeedo oo wada shaqeynayso oo wax wanaagsan marka in la qabanayo la arko ummadu gacmaha isqabsanayso oo isgarab gelayso ayaan runtii u arkaa. Waxaan u aragna in xil aanu ummada u haynay ilaahay noo fududeeyey, marka koowaad Illaahay iyo ummadaba waanu uga mahadnaqanyaa, waxaan leenahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo garabgalka iyo gacanta aad nagu siiseen hawsha runtii aanu hayno. Waxay ka mid tahay uun sunnaha qofka bani’aadamku marayo. Qof kastoo bani’aadmi ah shaqaa ku soo hagaagaysa, qofku maalin meel buu joogaa berrina wuu ka tegi doonaa, intuu joogo inuu ku asturnaado, oo wanaag ka soo baxo, oo dhaliilo iyo waxba fashilmay aanay iman ayuu jecel yahay, tiina way noo hirgashay, Ilaahay baa mahadaa leh, taasna guul baan u arkaa.

XIGASHO: Wargeyska Himilo