Muxuu Wasiir Biixi ka yidhi in Xumadda Loollanka KULMIYE ka baajisay safarka Madaxweynaha ee Ireland iyo Ujeeddada uu xambaarsan yahay?

Maxamed BiixiHargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay sababata uu uga hadhay hadhay weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo dorraad u kicitimay dalka Ireland, kaas oo warar soo baxay ku xidhiidhiyeen inuu wasiirku uga hadhay loolanka siyaasadeed ee ka dhex-aloosan xisbiga Kulmiye iyo qaban-qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha October ee Khamiista Berri bilanaysa.

Maxamed Biixi, waxa uu sheegay inaanay jirin olole siyaasadeed ah oo uu uga hadhay weftiga madaxweynaha, balse ay tahay arrin la xidhiidha hawlaha qaranka iyo sidii uu u qaabili lahaa wefti balaadhan oo ka socda shirkadda Mediterranean Shipping Company oo dalka yimi Isniintii todobaadkan, taas oo ka mid ah dhawr shirkadood oo danaynaya Maalgeshiga dekedda Berbera.

Wasiir Biixi waxa uu ku dooday in ay isku soo beeg-meen bixitaankii wefiga madaxweynaha iyo imaatinka weftigan ka socda shirkadda Mediterranean Shipping Company oo hore loo qorsheeyay in isagu uu qaabilo, waxaanu intaas ku daray wasiirku in isaga iyo xubno kale oo Wasiirro ahi ay maalmaha soo socda ka daba tegayaan weftiga madaxweynaha.

Wasiirka oo ka hadlayey ujeeddada safarka madaxweynaha iyo doorkii uu isagu ku lahaa, waxa uu yidhi, “Wasaaradda khaarajiga Somaliland ayaa ka soo shaqaysay arrintaasi oo madaxweynaha Ireland inuu casuumad soo siiyo dawladda Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland. markaa wasaaradda khaarajiga ayaa casuumadda uga soo qaban qaabisay madaxweynaha Ireland, in   uu soo casuumo madaxweynaha Somaliland.

Aniguna waan tegayaa, oo marti-qaadka uu madaxweynaha Jamhuuriyada Ireland u fidiyay, waxa weeye marti-qaad aad u balaadhan, oo aanu doonayno in aanu cilaaqaad cusub kula yeelano dawladda Ireland. Waan ka daba tegayaa weftiga madaxweynaha, waxaanan ku biiraynaa aniga iyo xubno kale oo wasiirro ahi maalmaha soo socda, afarta bisha October ee soo socota ayaanu ka baxaynaa Dubai.”

“Waxaanu la kulmi doonaa madaxweynaha iyo wasiirka khaarajiga ee Jamhuuriyadda Ireland.   Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa ganacsatada iyo qolooyinkii nabadda ka shaqayn jiray ee Ireland, iyo qaybaha bulshadda rayidka ah ee Irland. Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa   jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Ireland, waxaanu tegaynaa magaaladda caasimadda ah ee Babbling” ayuu yidhi wasiir Biixi.

Mar uu ka hadlayay arrinta maalmahan sida weyn la iskula dhex-marayay ee ah sababta uu weftiga madaxweynaha uga hadhay, waxa uu yidhi “Wax allaale iyo wax ka jiraa arrintaasi ma jiraan.   Waxaan u hadhay waxay ahayd, oo aan imikana la joogaa oo aanu caawa casho u samaynay wefti balaadhan oo ka socda shirkadda la yidhaahdo Mediterranean Shipping Company oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn caalamka, ee danaynaya dekedda Berbera inay maalgashadaan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi oo isagoo Hargeysa jooga u warramay Wargeyska Afka Dowladda ku hadla ee DAWAN.

SOMALILANDPOST.NET