Muxuu Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland kala Kulmay Laascaanood?

 

Laascaanood (SLpost)- Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo safar ku marayey gobolada bariga Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Taliye Dabagale ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood waxa uu kormeeray xarumaha Booliska ee magaalada Laascaanood, waxaanu Taliyuhu mar uu ciidamada bileyska kula hadlayey saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood kula dardaarmay ciidamada bileyska inay ku dedaalaan tukashada Salaasada iyo inay bulshada ula dhaqmaan si wanaagsan, isla markaana iska ilaaliyaan balwadaha.

Warkan oo faahfahsan ka daawo Muuqaalka Hoose