Muxuu Sharcigu ka qabaa in Dacwad laga keenay Dalka Jabuuti laga furo Maxkamadaha Somaliland?

Hargeysa (SLpost)- Bangiga laga leeyahay dalka Faransiiska ee BCIMR oo fadhigiisu yahay dalka Jabuuti Isla markaana xafiis ku leh magaalada Hargeysa, ayaa Xukuumadda Somaliland u ogolaatay inuu Maxkamadaha dalka ka furan dacwad ka dhan Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo Bangigu sheegay inuu ku leeyahay lacag uu ka amaahday Ganacsaduhu.

 

Haddaba Qaar ka mid ah qareennada Madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay kaga hadleen waxa uu Sharciga dalku ka qabo in dacwad asalkeedu ka soo bilaabantay dalka Jabuuti laga furo karo Maxkamada Somaliland.

 

Muuqaalkan Hoose ka daawo Hadalka Qareennada arrintan ka hadlay.