Muxuu Madaxweyne Siilaanyo ka Yidhi inuu U Xuub-siibtay Hoggaamiye KALI-TALIS ah?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo wax laga weydiiyey sida uu u arko dhaliilo loogu jeediyo inuu nidaam Kali-talisnimo u rogay hannaanka dimuqraadiyadeed ee loogu doortay inuu ku hoggaamiyo dalka isla markaana ay xukuumaddiisu ku tumanayso xoriyatul-qawlka, ayaa ku dooday inaanu ka baydhin Dimuqraadiyaddii lagu doortay, dalka iyo dadkana uu iyada ku hoggaamin doono intuu nool yahay, balse aanay dimuqraadiyaddu qofka u fasaxayn inuu wax kasta samayn karo.

siilaanyo vs RayaaleMd Siilaanyo oo ka hadlayey eedaymo loogu jeediyo inay xukuumaddiisu xad-gudub ku samaysayo xoriyatul-qawlka iyo Suxufyiinta oo la weydiiyey, waxa uu ku dooday inuu dalku leeyahay nidaam caddaaladeed oo uu ku kalsoon yahay isla markaana aanu isagu cidna xidhin, cid kale oo xabsiyada ku jirtana sii-deyn karin, isaga oo sheegay in go’aannada ay maxkamaduhu soo saaraan waafaqsan yahay dambiyada loo haysto qof kasta oo dacwadi ku socoto.

Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd, ‘Madaxweyne, Afar Sanno oo aad Xilka Haysay, Xukuumaddaadu waxay u dhaqmaysaa Hab Dictatorship (Kali-talis) ah, ma wax aad doonaysaa inaad noqoto hoggaamiye Xukun Milatari dalka ku sii haysta?’ Waxa uu madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay, “Dhegayso, dalkani waa waa dal Dimuqraadi ah, Maxkamadaa wax xukuma, anigu qofna iskama xidho, qofka ma sii daayo, Maxkamad baa xukunta, waxa maxkamaddu ku xukunto uunbaa jira. Dalkani Dimuqraadiyaddiisu wax Alla waxaad doonto aad samaysid maaha, dimuqraadiyaddu xeerar bay leedahay oo aanu ku dhaqmaynaa oo dalka iyo dadka ku maamulaynaa, waan ku faanayaa,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Md Siilaanyo waxa kale oo uu taabtay kalsooni-darrada waddamada caalamku ka muujiyeen ammaanka Somaliland, balse waxa uu ka gaabsaday inuu fasiro sababaha ay xukuumaddiisu Ammaanka ka jira dalka ugu qancin waayeen waddamo dawladda Ingiriisku ku jirto oo muwaadiniintooda uga digay inu safraan Somaliland.

“Dawladda Ingiriiska iyo cid walba oo caalamka ahi way ka war-qabtaa Somaliland, waa la ogyahay Somaliland meel nabad-gelyadeedu ka fiican tahay ma jirto marka arrinka Soomaaliyeed la eego, marka loo eego Xamar waxa ka dhacaya iyo waxa Somaliland ka dhacaya, waa la ogyahay. Markaa waxa weeye, kolley dunida Siyaabo fara badan waa loo dhaqmaa, laakiin Somaliland nabad-gelyadeeda la wada-ogyahay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko dhaliilo loogu jeediyo inay xukuuumaddiisu ku guul-darraysay inay ku qanciso Dawladda Ingiriiska Ammaanka ka jira Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET