Muxuu Madaxweyne Siilaanyo ka yidhi Dhex-dhexaadinta Ismaacil Cumar Geelle iyo Heshiiska dhexmaray Xasan Sheekh?

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadlay is-faham iyo heshiis maanta dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray magaalada Djibouti, waxaanu sheegay inay xukuumaddiisu soo dhawaynaysa wax-wada-qabsi iyo wada-shaqayn dhex marta dawladaha iyo shacabka dalalka Somaliland iyo Somalia.

DSC_0010Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia oo ay wehelinayeen wufuud ka socotay labada dawladood oo marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kulamo xalay ilaa maanta gelinkii hore socday ku yeeshay magaalada Djibouti, waxaanay labada dhinac ka soo saareen War-murtiyeed lagu shaaciyey qodobbo ay ku heshiiyeen.

Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay madasha labada madaxweyne ku kala saxeexdeen war-murtiyeed, waxa uu ballan-qaaday inay dawladdiisu diyaar u tahay isla markaana ay fulinayso qodobbada ay kala saxeexdeen, isaga oo xusay in xukuumaddiisu soo dhawaynayso is-kaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara shacbiga labada waddan.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ugu horeyn dhiggiisa Jabuuti iyo dawladdiisaba uga mahad-celiyey dedaalka ay ugu jiraan Isu-soo-dhawaynta iyo wax-wada-qabsi dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha Jabuuti, dawladdiisa iyo shacbigiisaba waan uga celinayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee lanoo soo dhaweeyey, sida ay walaalnimadu ku dheehan tahay iyo dedaalka ay u muujiyaan ee mar walba in dadka ay walaalaha yihiin ee reer Somaliland iyo reer Soomaaliya ay isu-yimaaddaan oo wax wada-qabsadaan, mandaqadda nabadgelyadeeda iyo deggenaanshaheeda laga shaqeeyo, aad iyo aad baan uga mahad-celinaynaa waananu ku bogaadinaynaa.”

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey xidhiidh iyo wada-shaqayn dhexmarta labada dawladdood iyo shucuubta Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud, weftigiisa iyo dawladdiisaba aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa oo aanu uga mahad-celinaynaa wada-hadalka iyo is-fahamka fiican ee aanu kuwada gaadhnay, mar walba inaynu dedaal ugu jirno in umaddeena iyo dadkeennu ay is-fahmaan oo wax wada-qabsadaan oo isla gartaan inaynu nahay dad walaalo ah oo aynu ognahay taariikh baynu leenahay. Waxay ognahay muddo badan baynu ahayn dad markii horena dedaal ku jiray inay isku yimaaddaan. “

Madaxweynaha oo ka hadlayey heshiiska dhexmaray dhiggiisa Soomaaliya, waxa uu intaas ku daray, “Umadda Somaliland iyo umadaha kale ee Soomaalidu way fara-badan tahay, Geeska Afrika oo dhan dhinacyo badan bay leedahay, markaa mar walba inaynu wixii danta iyo maslaxadda iyo is-fahamku ku jiro oo ka wada-shaqayno waanu soo dhawaynaynaa. Is-afgaradka iyo Heshiiska aynu maanta Jabuuti ku gaadhnayna aad iyo aad baanu uga mahad-celinayaa dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti. Insha Allahu waxaanu ku dedaalaynaa inaanu buuxinno dhankayaga wixii lanooga baahdo ee shuruudo ku xidhanna aanu annagu dhinacayaga si buuxda fulinno. Insha Allahu Tacaalaa, wanaag iyo wada-shaqayn, walaalnimo, wada-shaqayn iyo wada-jir ayaynu isku ognahay,” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net